WAR DEG DEG:- Puntland oo sheegtay inay Gacanta ku dhigtay Ajaaniib


Wararka naga soo gaaraya degmada Eyl eegobolka Nugaal ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in ciidamada Ammaanka dawlad goboleedka Puntland ay gacanta kusoo dhigeen dooni ay saarnaayeen 12 shaqaale oo u dhashay dalka Yemen taasoo kalluumeysi sharci daro ah ka waday degaanada Puntland.

Doontaan ayaa la sheegay in ay habeen Hore ay dulmartay Laash ay la haayeen Ganacsato Soomaaliyeed , islamarkaana ay dhibaato gaarsiisay.

Doonida ayaa lagu haya tuulada Maraya oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimada degmada Eyl ee gobolka Nugaal sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degaanka.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa sare u kacay Kalluumeysiga sharci darada ah ee xeebaha Soomaaliya ay ka geysanayaan Maraakiibta iyo sidoo kale doonyaha laga leeyahay dalka Yemen.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain