Wasaaradda Haweenka Puntland oo dhaqaalihii lagu bixin jiray xuska Maalinta Haweenka ugu deeqday qoysaska ay abaartu saameysay (SAWIRRO)

Wasaaradda Haweenka Puntland oo dhaqaalihii lagu bixin jiray xuska Maalinta Haweenka ugu deeqday qoysaska ay abaartu saameysay (SAWIRRO)
Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dawladda Puntland ayaa ku dhaqaaqday tallaabo aan horey looga baran intii ay jirtay Wasaaraddaasi.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka Puntland Drs. Aniso C/qaadir Xaaji Muumin ayaa dhaqaalihii faraha badnaa ee lagu bixin jiray xuska Maalinta Haweenka waxay sanadkan  u weecisay  inay dhaqaalahaasi raashin ugu gado qoysaska abaartu saameysay.

Qoysas abaartu saameysay oo ku dhaqan Deegaanka Buura Wadal ayaa Wasiirka Haweenku waxay gaarsiisay raashin iskugujira qeybo badan si ay u quutaan dadka xoolaha ku tiirsanaa ee xooluhu ka dhammaadeen ee ku nool miyiga.

Wasiirada haweenka puntland Drs. Aniso c/qaadir xaaji muumin waxaa socdaalka ku wehelisay Gudoomiyaha ururka Haweenka Puntland, waxaana deeqdani ka mahad naqay qoysaskii la gaarsiiyay.

dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo ka qaybgalay munasaabad yar oo loo qabtay xuska maalinta haweenka aduunka ee 8 march ayaa sheegay in haweenka Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya ay kaalin buuxda ka qaataan horumarka bulshada .

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in haweenku ay sanadkaan si buuxda uga qaybqaateen gurmadka abaaraha kajira Puntland. 

 Ugu dambayntiin wuxuu haweenka ku booriyey inaysan ka daalin shaqada mutadawacnimada ee ay u hayaan bulshada iyo jiritaanka bulshada.

DAAWO SAWIRADA.











Developed by Jago Desain