Posts

XOG:- Maxaa ka jira in Kheyre uu dib ugu laabanaayo Golaha Wasiirada ee la dhaliilay?

Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu dib ugu laabanaayo Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Kheyre uu dib u habeynta Golaha Wasiirada kala tashanaayo qaar kamid ah Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed, waxaana lasoo warinayaa in dib looga doodi doono ilaa Seddex Wasaaradood oo uu muran ka taagan yahay qaabka loo qeybiyay.

Kheyre ayaa la xaqiijiyay in Jawaari uu ka dalbaday in fursad loo siiyo dib uga fiirsashada Hanaanka loo qeybiyay Golaha, waxaana lagu wadaa inuu go’aan ka qaadan doono Wasaaradaha uu muranka ka taagan yahay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Kheyre uu isku bedeli doono Wasaaradaha aan wali lagu qancin, ka hor inta aan la horgeyn Golaha Shacabka oo iyaguba dhaliilsan Hanaanka awood qeybsiga.

Sidoo kale, waxa uu Kheyre la tashi kala sameyn doonaa Caqabadaani cusub Madaxweynaha Somalia Maxamed C.llahi Farmaajo oo kaalin weyn ku lahaa dhismaha Golaha Wasiirada iyo Xulista Shaqsiyaadka laga biya diidan yahay Wasaaradaha loo magacaabay.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa durba Caqabad kala kulmaaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia, waxa ayna Caqabadaani daba soctaa muran aan sidaa usii weyneen oo soo kala dhex galay isaga Jawaari.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn sida uu Kheyre u sameyn doono isbedelka, waxaana suuragal ah in Golaha Wasiirada aan la horgeyn BFS inta laga sameynaayo Isbedelka.

BAARGAAL.NET
isha wararaka Horumarka calbari 
Developed by Jago Desain