Posts

Daawo: Puntland oo heshiis la gashay Madaxda Ururka Al-Saadicuun Bil-Xaq


Masuuliyiinta Maamul goboleedka Puntland ayaa kulan Magaalada Garowe kula qaadatay mas’uuliyiin ka tirsan Urur diimeedkii Al-Saadicuun Bil-Xaq ee dhowaan Dalka looga dhowaaqay, waxaana kulanka Puntland uga qeyb galay guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo Taliyaha La dagaalanka argagixisada halkaUrurka Al-Saadicuun Bil- Xaq uga qeyb galeen masuuliyiintooda ku sugan Puntland.

Kulankan oo ay dalbadeen madaxda ururka Al-Saadicuun Bil- Xaq ayaa waxaa ujeedadiisu aheyd sidii ay maamulka Puntland uga dhaadhicin lahaayeen ujeedooyinka ururkaas iyo iney cadeeyaan warar been abuur ah oo ay sheegeen in laga faafiyey.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdullaahi (Faraweyne) ayaa kulankaas ka dib warbaahinta u sharaxay qodobo ay isku afgarteen xubnaha Saadicuun ku jira ee Puntland ku sugan.

“Puntland ma aqoonsana Ururka Saaciduun balse ragga sheeganayey ee aan la kulanay waxaan ku heshiinay inaysan hub qaadan karin,tababar siin karin dad kale, siyaasada lug ku lahaan karin iyo qodobo kale.

Xubin ku hadlayey Jaamacadda Saadicuunbil xaq ee ku sugan Puntland oo la yiraahdo Jamaal Xasan Aw-Muuse ayaa sheegay in urur diimeedkoodu ahayn Takfiir, wax xiriir ahna aysan la laheyn Al-shabaab, isagoo xusay in ururkoodu uusan wax dhibaato ah wadin marka laga reebo iney bulshada diinta baraan.

Developed by Jago Desain