Posts

Dowladda Imaaraatka Carabta oo kasoo horjeesatay codsi madaxweyne Madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan saldhiga milatari ee Berbera iyo la macaamiilka maamulada.


Warbaahinta ayaa heshay shan qodob oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka codsaday dhaxal sugaha imaraad Abu-Dhabi iyo ku xigeenka taliyaha ciiidmada dalkaasi sheekh Maxamed Bin Zayed oo uu todobaadkii hore kulan yeeshay magaalad Abu-Dhabi ee dalkaas.

Sida ay sheegeen ilo Dublomaasiyadeed waxuu Sheekh Maxamed ka codsaday shanqodob oo qaar ka mid ahi ay khuseeyaaan Somaliland, halka kuwa kalena ay khuseeyaan dalkiisa iyo maamul gobaleedyada dalkiisa.Waxay kala yihiin.

1. In UAE ay Somaliya ka caawiso dhismaha ciidanka Military ga
2. In loo dhiso loona qalabeeyo xafiisyada dawlada ee Moqdisho
3. In Imaraadku joojiyo la macaamilka maamulada dawlad gobaleedyada dalka Somaliya
4. In Saldhiga Military ee Berbera la hoos keeno Dawlada Moqdisho
5. In shaqaalaha Soomalida ee ka xoogsada dalkaas ee sida Basaboorka Somaliya la siiyo Sharciyo , caruurtoodana la siiyo waxbarsho Bilaash Ah 

Waxaana ay xogahani sheegayaan in qodobka afraad ee khuseeya Somaliland uu Farmaajo xooga saarey ka hadalkiisa aadna uu ugu dheeraadey 

Dawlada Imaraaadka ayaa codsiga Farmaajo ka jawaabtey gaar ahaan ka khuseeya Saldhiga ay Somaliland ka siisey magaalada Berbera Waxaa ay kaga jawaabeen in saldhiga Berbera ay wada hadalo kala yeesheen dawladii Xassan Sheekh ee ka horeysay iyaga oo sheegay in ay adag tahay in ay saldhigaasi hoos geeyaan Moqdisho maadama oo aanay ka talin Somaliland, Sidoo kale waxaa uu imaaradku uu ku doodey in wanaag mooyaane wax dhibaato ah aanu keeneen saldhigaasi.
Developed by Jago Desain