Posts

Howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda oo qorsheynayoin lagu soo biiriyo Diyaarado Dagaal


Hawlgalka Ciidanka Badda Midowga Europe (ATALANTA) ayaa shaaca ka qaaday in ay adeegsan doonan Diyaaradaha Drones-ka si ay ula socodaan dhaqdhaqaaqa kooxaha Burcad-baddeeda ee ku sugan Xeebaha Soomaliya.

Wargeyska ka faallooda Hawlaha Badda ee The Maritime Exeutive ayaatibaaxay in Ciiddanka Badda Spain eela socda Markab dagaal oo dalkaas laga leeyahay, qeybtana ka ah Hawlgalka ATALANTA ay bilaabeen inay adeegsadaan diyaaradaha Droneka si ay u ogaadan dhaq-dhaqaaqa kooxahaBurcadbadeeda iyo sahminta goobaha ay ku sugan yihiin.

Diyaaradahaan ayaa awood u leh in ay hawada ku jiraan muddo 18 saacadood ah si ay muuqaalo uga soo duubaan kooxaha burcad badeeda soomaalida ee ku sugan Badda iyo Beriga.

Tallaabadan ayaa ku soo aadayso, xilikooxaha Burcad-badeeda ah ay bishiihore afduubteen Markab siday Shidaal oo laga lahaa dalka Imaaradka, balse markii danbe lagu guulaystay in si nabad ah looga sii daayo.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari


Developed by Jago Desain