Posts

Itoobiya iyo Puntland oo ku heshiiyay in la isku furo ganacsiga labada dhinac

Puntland iyo Itoobiya ayaa ka wadahadlay hirgelinta Kastam-ka Tuur dibi oo ku yaala XuduudaDowladd goboleedka Puntland ay la leedahay Itoobiya, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debida Ehiopia Mss.

Hirut Zemene oo kulmay ayaa guddi labada dhinac ah u saaray dardargelinta hirgelinta Kastamka.

Guddiga itoobiya u qaabilsan dhameystirka Kastam-ka waxaa hogaaminaya Agaasimaha Guud ee Arrimaha Africa iyo IGAD Mr.Berhane Fisseha, halka dhinaca Puntland uu Guddigan guddoomiye u yahay Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee Puntland , Cabdiweli Indho guran.

Kastam-ka Tuur Dibi waxaa laga hirgelinaya meel u dhow magaalada Galdogob, waxaana lagu micneeyay inuu halbowle u noqonayo xoolaha Puntland oo suuq ka hela Itoobiya.
Developed by Jago Desain