Real Madrid Oo Allianz Arena Ku Soo Garaacday Toban Ciyaartoy Oo Bayern Munich Ah & CR7 Oo Gaadhay Goolkiisii 100aad Ee Tartamada Yurub


Real Madrid ayaa guul dahabi ah Allianz Arena ku soo gaadhay kadib markii ay 2:1 ku soo garaacday toban ciyaartoy oo Bavaria ah iyada oo kaadhka cas loo taagay xidiga ree Spain ee Javier Martínez. 

Zinedine Zidane ayaa guuldaro xanuun badan soo baday macalinkii uu caawiyaha Bernabeu ugu soo ahaa ee Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisu burburtay markii uu Javier Martínez kaashka cas qaatay.

Real Madrid ayaa qaybtii danbe ee kulankan ahayd kooxda wax kasta garoonka ka samaysay waxaana in goolal inta ka badan ka soo diiday goolhaye Manuel Neuer oo kooxdiisa ku sii hayay in ay Bernabeu timaado iyada oo ayna rajadu ka dhiman. 

 Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid guushan ku soo hogaamiyay waxayna Los Blancos soo gabgabaysay 16 kulan oo xidhiidh ah oo ay Bayrern guulo ku soo gaadhay Allianz Arena ee kulamad Champions Leaque-ga.

SHIXHIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:BAYERN MUNICH (4-2-3-1): Neuer; Lahm,Javi Martinez, Boateng, Alaba; Thiago, Xabi Alonso; Robben, Vidal, Ribery; Muller.KAYDKA: Rafinha, Ulreich, Douglas Costa, Bernat, Coman, Kimmich, Renato Sanches.

REAL MADRID: (4-3-3): Navas; Dani Carvajal, Nacho, Sergio Ramos, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modric; Bale, Benzema,Ronaldo.KAYDKA: : Kiko Casilla, James, Isco, Alvaro Morata, Kovacic, Danilo, Marco Asensio.

Kulankan ayaa ahaa kulan si wayn loo sugayay tan iyo maalintii isku aadka sideed dhamaadka Champions leaque-ga la soo saaray, waxaana markii ugu horaysay kooxdiisii Real Real Madrid ka hor yimid Carlo Ancelotti iyaga oo kursiga kaydka soo wada fadhiistay caawiyihiisii Benrabeu ee Zinedine Zidane. Waxa kale oo kulankan xiiso u yeelayay in Xabi Alonso oo Real Madrid ka soo ciyaaray iyo Toni Kroos oo waqti badan la soo qaatay Bayern Munich ay kulankan ku soo wada bilawdeen kooxahooda.

Real Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabtay qaab ciyaareed fiican iyada oo Bayern Munich ilaa 20 kii daqiiqo ee ugu horeeyay xaalad adagu ku abuurtay. Laakiin kooxda Bavaria ayaa ciyaarta si gaabis ah ugu soo laabanaysay waxaynaugu danbayn awooday in ay jiibta iyo jaanta isla hesho markii la soo gaadhay daqiiqadii 25 aad.DAQIIQADII 18 AAD BIRTA GOOLKA!! RealMadrid ayaa heshay fursadii ugu horaysay ee kulankan oo ay labada kooxood sameeyeen kadib markii uu Karim Benzema helay fursad layaableh oo uu goolhaye Manuel Neuer ku khiyaani gaadhay balse darbo uu madaxa uu xidiga ree France ku tuuray ayaa u muuqatay in ay goolka Bayern galayso laakiin goolhaye Neuer ayaa si wayn iskugu kala bixiyay isaga oo kubbada ka joojiyay shabaqa kooxdiisa balse birta goolka ayay kubbadu ku dhacday wuxuuna ugu danbayn awooday in uu qabsado.

DAQIIQADII 25 AAD GOOOOOOOOL!! Bayern Munich oo markan ciyaarta si fiican u akhrisatay ayaa heshay goolkeeda furitanka kadib markii uu dagaalyahanka Arturo Vidal gool madax ah oo qurux badan uu ku dhaliyay darbo koorne ahayd oo uu si fiican u soo tuuray Thiago Alcântara wuxuuna Vidal si fiican u garaacay goolhaye Navas waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay BayernMunich hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Bayern Munich ayaa si buuxda ula wareegtay kubbad haynta waxayna bilawday in ay fursado fiican abuurto waxayna Real Madrid u muuqatay in uu dhibaato ku noqday goolka uu Vidal ka dhaliyay. 

Casemiro ayaa laba jeer u muuqday in uu ciyaarta uga baxayo dhaawacyo soo gaadhay balse daawayn loo sameeyay ayaa ciyaarta ku sii haysay.DAQIIQADII 40 AAD Thomas Muller ayaa helay fursadiisii ugu fiicnayd ee qaybtii hore ee kulankan wuxuuna qasaariyay kubbad cajiib ahayd oo uu Lahm ku siiyay afaafka hore ee Real Madrid laakiin kubbadan ayaan noqon mid uu Muller ka faa’iideeyay.

DAQIIQADII 43 AAD Cristiano Ronaldo ayaa markiisa darbo qurux badan ku tuuray goolka Bayern Munich waxayna ahayd fursadii ugu fiicnayd ee uu xidiga ree Portugal helay qaybtii hore ee kulankan balse goolhaye Manuel Neuer ayaa awooday in uu kubbada iska joojiyo.

DAQIQIADII 45 AAD REKOODHE!! Ribery ayaa kala jeed-jeed difaaca Real Madrid laakiin darbo uu lugta bidix ku hagaajistay isla markaana uu lugta midig ku tuuray ayuu Carvajal gacanta ku celiyay wuxuuna garsooruhu tilmaamay in rekoodhe ay tahay isaga oo kaadhka digniinta ah u taagay Carvajal.

DAQIIQADII 45+1 QASAARIN REKOODHE!! Arturo Vidal ayaa kubbada qaatay wuxuuna hor dhigtay goolka RealMadrid isaga oo doonayay in uu dhaliyo goolkiisa labaad laakiin xidiga ree Chile ayaa kubbada cirka iyo taaraboonka Allianz Arena ku toogtay wuxuuna kooxdiisa ka qasaariyay fursad dahabi ahayd oo ay hogaanka ku dheeraysan karta waxaana lagu kala nastay 1:0 ay Bayern Munich hogaanka ciyaarta ku haysay.


Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabtay iyada oo dhaarsan isla markanaa ku socota dardar xoogan waxayna markiiba bilawday in ay raadisogoolka barbaraha si ay ciyaarta ugu soo laabto. 

Bayern Munich oo doonaysay in ay raadiso goolka laabad ayaan waqti fiican helin.DAQIIQADII 47 AAD GOOOOOOOOOOL!! Cristiano Ronaldo oo inta badan kulankan ayaan fursado fiican soo helin ayaa kooxdiisa Los Blancos u keenay goolka ay sida wayn ugu baahnayd kadib markii uu gool caawin cajiib ah ka helay Daniel Carvajal kaas oo kubbad dilaa ah ku soo dhex karoosay wuxuuna Ronaldo hal taabasho oo qurux badan uu ku dhamaystiray goolka isaga oo Neuer u diiday in uu wax badbaadin ah sameeyo waxayna ciyaartu noqotay babraro 1:1 ah.DAQIIQADII Gareth Bale oo ciyaarta oo dhan aamusnaa ayaa helay fursad cajiib ah oo uu ku dhalin karay goolka laabad ee Los Blancos laakiin darbada uu u qaatay in uu shabaqa ku gaadhayo ayuugoolhaye Neuer awooday in uu birta sarre ka mariyo, waxayna markan Real Madrid noqotay kooxda laga filan karayay goolka labaad.

DAQIQIIQADII 59 AAD Zidane ayaa ciyaarta ka saaray Gareth Bale oo ayna habeenkiisii ahayn wuxuuna kaydka uga yeedhay da’yarka Marco Asensio laakiin wali Real Madrid ayaa dhibaato ku abuuraysay Bayern Munich oo qaybtii danbe ee kulankan si xun u ciyaaraysay.

DAQIIQADII 61 AAD KAADHA CAS!! Bayern Munich ayay musiibo wayni u soo hoyatay kadib markii uu Javier Martínez afar daqiiqo gudahood uu ku qaatay laba kaadh oo digniin ah waxanaa loo raaciyay kaadhka cas kadib markii uu qalad ku joojiyay Ronaldo oo kubbad weerar deg deg ah dhinaca bidixkala soo socday waxaana Bayern Munichlagu soo yareeyay 10 ciyaartoy.

Markan Real Madrid ayaa heshay fursad fiican oo ay ku raadin karto goolka laabad iyada oo Bayern Munch markan si xun ugu dhibtootay in Javier Martínezoo shaqo adag kooxdiisa u hayay uu ciyaarta ka baxay.Ancelotti ayaa sameeyay laba badal wuxuuna ciyaarta ka saaray Xabi Alonso wuxuuna ku soo ku soo badalay Juan Bernat halka uu Franck Bilal Ribéry ciyaarta ka saaray wuxuuna kaydka uga yeedhay Douglas Costa.

Wax kastaaba waxay noqdeen Real Madrid oo weerar ah iyo tobankii ciyaartoy ee Bayern Munich oo si adag difaacasho ugu jiray laakiin Karim Benzema iyo Ronaldo ayaa helay laba fursadood oo layaableh waxaana kubbado goolal loo fishay badbaadiyay goolhaye Manuel Neuer oo wali kooxdiisa ciyaarta ku sii hayay.

DAQIIQADII 77 AAD GOOOOOOOOL!! Ugu danbayn Real Madrid ayaa dhaaftayiska caabintii Bayern Munich gaar ahaansaamayntii waynayd ee goolhaye Manuel Neuer waxaana goolkiisa laabad Madrid u saxiixay Cristiano Ronaldo oo si fiican kubbada hor haraatiyay difaaca Bayern laakiin Marco Asensio oo caawinta goolkan sameeyay ayaa qaab qurux badan oo il dheer kubbada ugu soo tuuray Ronaldo waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Madrid hogaanka markeeda ku qabtay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 100 aad ee uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyay tartamada Yurub oo dhan wuxuuna sidoo kale ahaa goolkiisii 97 aad ee Champions Leaque-ga. 

Real Madrid ayaahaysatay fursad fiican oo ay goolal kale kula iman kartay balse Bayern ayaa wali weeraro deg deg ah iskugu dayaysay in ay goolka barbaraha ku raadiso.Dhamaadkii ciyaarta Sergio Ramos ayaa gool madax ah dhaliyay laakiin dabaal degiisa ayaa la soo gaabiyay kadib markii uu si cadaan ah ugu jiray offside waxayna Bayern Munich ka badbaaday goolka saddexaad ee ay Real Madrid sida adag u doonaysay. Haddii aanu Maneul Neuer fursado beenin lahayn Real Madrid ayaa heli kartay goolalka badan inta ay guusha ku soo gaadhay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaaay 2:1 ay Real Madrid ku soo garaacday toban ciyaartoy oo Bayern Munich ah iyada oo kooxda Carlo Ancelotti si xun ugu dhibtootay tan iyo markii uu Javier Martínez kaadhka cas qaatay. 

Zidane ayaa ka soo guulaystay macalinkii uu Madrid caawiyaha ugu sooahaa waxaana la sugi doonaa waxa ay Bayern Munich la shir iman doonto kulanka Santiago Bernabeu.
Xigashoo :laacibnett
Developed by Jago Desain