Posts

Sarkaal ka tirsanaa Madaxtooyada Puntland oo Gaalkacyo lagu Dilay iyo howl-gallo socda


Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxaa xalay lagu dilay EEBE ha u naxariistee Axmed Xassan Cabdi Raxmaan” Gaandi” oo ka mid ahaa Saraakiisha Illaalada u ah Madaxweynaha Puntland.

Dilka Sarkaalka ayaa waxaa fuliyay Kooxo hubaysan, kuwaas oo markii ay dilka geysteen ka dib goobta ka baxsaday.

Marxuumka oo lagu toogtay bartamaha magaalada ayaa waxaa lala beegsaday dhowr xabadood.Ciidamada Puntland ayaa wada hawlgalo ay ku doonayaan Kooxaha dilka ka dambeeya.

Dilka Marxuumka ayaa kuso beegmaya xilli amaanka magaalada Gaalkacyo uu soo hagaagayay muddooyinkii ugu dambeeyay.
Developed by Jago Desain