Ka dib markii la sugaayay muudo dheer ayaa shirkada "WhatsApp" waxay bilowday in tijaabo ku samayso laba adeeg oo cusub oo muddo dheer la sugaayay si ay ugu diyaargarowdo inay soo bandhigto mustaqbalka dhow.
Waxaa laga yaabaa in adeega ugu horeeyaa ee ay sugaayeen dhamaan dadka isticmaala barnaamajka WhatsApp uu yahay inay suurtagal noqoto tirtirka fariimaha uu qof diro shan daqiiqo gudohood , haddii uusan akhrisan qokii loodiray sida laga soo xigtay wargeyska ingiriiska ka soo baxa ee "The Independent" .
adeega labaad ayaa ah in uu qofka diraya fariin inuu wax ka beddeli karo Qoraallada uu diraayo naqshadooda iyo ar qoraalkooda asagoon adeegsan calaamdo la dhex dhigo kalmadaha sida hadaba jirta
dadka isticmaala adeeg WhatsApp waqtiga xaadirka ah, ayaa ku khasban inay galiyaan erayga ay wax kabadalayaan hab qiraalkiisa labada xiddigood.
BAARGAALTECH