Wiil ay dhashay Fanaanada Laki Xaaji Wacays oo Muqdisho lagu Dilay

Wiil ay dhashay Fanaanada Laki Xaaji Wacays oo Muqdisho lagu Dilay

Kooxo Hubeeysan ayaa Xalay Xaafada Labo Dhagax ee Degmada Wartanabada ku Dilay Wiil Arday ah oo ay dhashay Fanaanada weyn Laki Xaaji Wacays,kuwaasoo ku Toogtay Xaafadaasi.

Marxuunka ayaa la sheegay in uu kamid ahaa Ardayda wax ka barata Iskuulka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Wiil kamid ah Dadka Xaafada Labo Dhagaxayaa sheegay in Wiilkaan yar ay Dadiisu u dhaxeyso 19-ilaa 20 Sano,waxaana uu Xusay in ay Dhashay Fanaanada Soomaaliyeed ee Laki Xaaji Wacays.

Lama oga ilaa hada Cida Dishay iyo Sababta loo dilay Wiilkaan kamid ahaa Ardayda wax ka barata Iskuulka SYL ee Xalay Koox Bastoolado wata ay Dileen.
Developed by Jago Desain