Xaflad Loogu Qabtay Dugsiga Daarul SHeekh ifiye ee Degmada Baargaal Arday dhamaysay Kitaabka Quraanka (Sawiro)

Xaflad Loogu Qabtay Dugsiga Daarul SHeekh ifiye ee Degmada Baargaal Arday dhamaysay Kitaabka Quraanka (Sawiro)
12 arday oo isgu jiray wiilal iyo gabdho oo kamid ahaa da’yarta Dugsiga Daarul SHeekh ifiye ee Xifdinta Quraanka Kariimka ,tajwiidka iyo waxbarashada asaasiga ah ayaa shalay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay loogu qabtay magaalda Baargaal gaar ahaan xaaada sandhuubo oo uu ku yaal dugsigu kadib markii ay quraanka kariimka xifdiyeen.

Munaasabadda qalin jabinta oo ka dhacday dhismaha Dugsiga Daarul SHeekh ifiye ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin badan oo uu hor kacayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf , Cuqaal , waxgarad, aqoonyahano ,Ganacsato ,waalidiinta da’yarta iyo dadwayne aad u farab badan oo mudooyinkan sugayay Munaasabadan.

Ugu horayntii waxaa Xaflada Lagu daahfuray aayado quraan ah oo uu akhriyay arday kamid ah ardayda Dugsiga Daarul SHeekh ifiye intaasi Kadibna waxaa hadalka furay maamulaha dugsiga Macalin faarax cabdi ciise  oo marka hore soo dhaweeyay martidii xaflada kasoo qayb gashay.

Maamulaha Dugsiga Daarul SHeekh ifiye ayaa faahfaahin Ka baxshay Dufcadan sanadkan Ka qalanjabisa Dugsiga Daarul SHeekh ifiye oo kamid ah dugsiyada qadiimaga ah ee taariikhda fog leh , marxaladihii ay soo mareen ardayda sanadkan ilaa ay ku guulaysteen xifdinta quraanka kariimka.

Maamulaha ayaa sheegay in muhiimada xafladu tahay sidii loogu dhiiri galin lahaa ardayda inta dhimana inay ku daydaan ardaydan maantay la abaalnarinaayo.
Waxaa kadib makarafoonka qabsaday Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf ,asagoo u hanbalyeeyay ardayda xifdisay quraanka Kariimnka kuna dhiiri galiyay ardayda kale inay ku daydaan oo aqoonta tarbiyad ku darsadaan.

Xafladan ayaa waxaa sidoo kale hadalo qiimo leh ka jeediyay waalidiin,xubnu kamid ah guddiga waxbarashada , culimo iyo marti sharaf kale oo badan , kuwaaas oo dhamaan u hambalyeeyay ardaydan xifdisay kalaamka alle oo ah wax la barto waxa ugu khayrka badan.

Ugu danbayntii, xaflada ayaa waxaa  ardaydii qalin jabinaysay la gudoonsiiyey shahaaadooyin iyo abaalmarino kale.






















Developed by Jago Desain