abaartii siman iyo suugaantii laga tiriyay

abaartii siman iyo suugaantii laga tiriyay

Abaartan waxay soo bilaabtay sanadkii 2015 kii waxayna xalladii ugu xumayd gashay bilihii ugu danbeeyay 2016kii.

Dad iyo xoolo badan ayaa dhintey kuwo kalana Qarka ayay u saarnaayeen iney dhintaan Hadii Uusan roobku curan.

Abaartani waxay uga duwan tahay abaarihii Somalia soomaray Iyadoo gargaarka Caalamiga ah  Uu aha mid gababsiya,inkastoo ay socdaan dadaalo muuqda hadana ma ahyn Kuwo ku fillan mushkillada abaartan.
Ugu danbayntii abaartani oo ah mid si isku mid ah usamaysay dhamaan gayiga soomaalliyeed Ayaa dadkii usoo joogay Abaarihii hore waxay ku tilmaameen Iney kaga duwan tahay abaarihii hore sinaanta ay ku wadda dhuftay dhamaan dhulka soomaliye
waa abaar baaxad wayn oo saamaysay dad iyo duunyo umadda soomaaliyeed waxa ayna sababtay barakac iyo qax iyadoo xaaladu tagtay qf walba naftaydaay i bixi.

waxa gayiga soomaaliyeed meel walba ka bilowday is xilqaam iyo qaraan aruurin,waxa ka bilowday iskuulada jaamacadaha iyo masaajida olole wax loogu aruurinayo ummada soomaaliyeed ee ay dhibaataysay abaartu sidii uu ahaa dhaqanka soomaaliyeed 

waxaa bilowday dhiira galin,guubaabo iyo wacyigalin la isku boorinayo taakulaynta dadka baahan  ee cidlada ku le aganaya haraadka iyo gaajada oo aysan cid u maqnayn ceelna u qodnayn.


sokeeyaha midkii kuu ahaa saaxib iyo waalid
ee soomaali kula sheegtay bay maanta sidataaye
siman iyo abaar xooganoo saaqday baa timide
sararuhu intay soo baxeen suulashii caguhu
gaajay lawada suuxayaan siigo meel baxane
sahal bay ku wada mawdayaaan sabiyo waayeele
adigunah inaad soonto iyo sii wax kuu furane
sadexdii waqtiba inaad cuntaa waa sawaabnimo e
waa sifo qalaad iyo waxaan suubanayn dhaqane
sawd qura intaad yeelataan saacida miskiinka
sacabadana taagtiyo gacmaha saatirna u laabta.
waxa abaarta baaxadeeda wayn iyo saamaynteeda aadka u balaaran darteed loo bixiyay magacyo badan oo ay kamid ahaayeen siman, kulmis iyo  kuwa kale oo badan o ka turjumayah 
abaartaan waxa ay ahyd mid ku timi dunuubteena badan iyo usoo noqosho  la'aanta xaga alle aan usoo noqon waynay.

kulaylkaan qabniyo gaajadaan kaarka nagu beertay
kulmistaan na saamaysayee koonka wada gaartay
kaliilshiyo abaartaan jirtee kow nagaga siiyay
ee kuray ilaa iyo nin wayn uu kelyaha haysto 
waa waxaanu keensanay ilaah nama kadeedeene
waa waxaan kalaamnoo falniyo kiis xageena ahe
inti aad fadhiga kaakacdaan kaligi weeyaane
kor u qaada gacmahoo ilaah kal iyo laabta tuuga

is xilqaankii iyo qaraan aruurintii dadka soomaaliyeed aad ayuu ugu fiday gayiga, mid shan bixiya iyo mid shan boqol bixiyaba qf kasta waxa uu dareemay in walaalihii dhibaataysan ay isaga sugayaan waxa sii labalaaban wacyigalinti,guubaabadii iyo kulamadii wax loogu aruurinayay dadka ku waxyeeloobay abaarta.

inwalaalkaa baaba o haraad gaajana bukoodooo 
oo beerku lafihii ku dhagay boguna laalaadooo 
oo boorka jiifiyo cidlada halaqu buux dhaafshay
adna aadan biidnow tarayn waa baraarnimo e
waxuun bixiya aakhiro janada kama aad bayrtaane

abaartii waxa ay noqotay mid sii fidah oo saamaynteedu sii badato waxaa baxay xoolo badan waxa nafaqo daro u dhintay waayeel,caruur iyo haween soomaaliyeed waxaa is dilay baahi iyo cayr darteed dhalin yaro soomaaliyeed.
iyadoo xaaladu tahay ari war ma leh iyo sidaas ayaa dhanka kale waxa socday roobdoon iyo All-bari dhamaan Gayiga Ay Dagto Soomaalidu.

aloow aadmi dhamaantii
Waxay quud ka dhigtaan iyo
Waxa dhuuni la qaato
Adiguu dhanka kaagiyo
Dhinacaaga ag yaaloo
Kaa dhamaaninahyn
Abaar baa na dhamaysoo
Dhimashay dadkii maanta
Ay ku dhawba yihiine
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Midka jooga dharkiinlay
Mid wuqooyi dhex taagan
Barigaaa mid dhawaaqi
Dhankastoonu ag naalno
Dhibaataa nagu haysoo
Waxaan dheel u samayniyo
Waa waxan ku dhaqaaqnoo
Dunuub weeye dhankeena ah
Eeboow noo danbi dhaafoo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Xoolahaan dhaqanayniyo
Dhawaaquu diri diinku
Dhurwaagaa cabanaaya
Daanyeer dhiigu yaraaday
Haraadnow dhimanaaya
Doofaar dhuubtay abaar
Gacmuhuu dhiganaayo
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyo
Dhulka noogu qabooji
Dhagaxuuntiyo ciidiyo
Dhirta roobka u baahan
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Dhabta duulka ku jiifiyo
Intii sii ah dhalaanoon
Dhabarkooda la saarin
Qalin dheer iyo buug
Qaladkay ku dhacaana
Dhabtii looba qoraynin
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Saq dhexaadka habeenkii
Kolkii aad halkaan dhaw
Usoo dhaadhici hoos ood
Yaa dhawaaq i faraaya
Danbigiisa u dhaafi
Dhawrsadaayo ajiiba
Kolkii aad na dhahayso
Ilaahoow dhulka dooji
Kuwa kuugu dhawaaqi
Dhakhso noogu ajiiboo
Dhambaalkay dirayaan 
Dhibicdaada siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Dhawrsanoow nabigeena
Dhaxalkiisiyo diinta
Kuwa dhiigiyo maalka
U huraaya mar dhuuxa
Dheehda oo na baraaya
Dheeg kitaabka u saartay
Shuyuukhdeena dhamaantood
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Adoonkaaga dhibtaysanoo
Dhacay oo baqtinaaya
Ay abaartu dhamaysay
Sacab kuu dhiganaayo
Dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyo
Dhulka noogu qabooji.

Kadib Curashadii Roobka Gu'a Waxaa Bilowday Rajo Wanaagsan Iyo Rayn-rayn Lagu Soo Dhawaynayo Roobka Oo Ahaa Mid Uga Bilowday Guud Ahaan Dhulka Soomaalidu degto Meelihii ugu Horeeyay Ee Roobku Ka Curtey Ayaa Ahayd Gobolka Bari,Nugaal,mudug,Sanaag Iyo Sool Roobab kii igu badnaa Ayaa ka Da'ay Gobolka mudug Gaar Ahaan magalada Goldogob.

xagga mudug warkaa nooga yimid waa xamdi ilaahe
bari xaashidaan noogu timid xiiso wow qabaye
gurmad xaakim noo soo diroo xoog leh ba da aye
wax la yiri xareedbaa galdogob xas kastaba taale
roob xalayto lagu diirsadaa helay xaqiiqdiiye
xaafadaha biyaa wadhan la yiri suuqyadii xiraye
xurfadaa ku liqi baliyadii wada xariirnaaye
xiska qabow u roon iyo saxansaxaa xaaqday dhamacdiiye
xigtadii abaaruhu dileen way xadrayn faraxe
wax badalay xagaagii darnaa xul iyo khayraade
xaraguu la wada qaylyayaa rahii xaraysnaaye
isagiyo xaaskuu qabayba way xamdiyayaane
xayawaanadii iyo dhamaan xoolihii quruxe
sidii ay xil culus soo hanteen xoog dabaal daga e
dhirtii boorku xulay iyo geedihii xaad yar baa kodhaye
caleemaha dhibcaha xoorayaad ku xasilaysaaye
xamar buu udgoonkeedu tagay daa xigaalada e
xagaan joogo iyo boosaasadaan kala xariiraaye
xakiimkii nimcada noo shuboow xariga noo giiji 
xag kastaba aloow gee roobku waa xididideheeniiye

Abaartaas Ayaa Ahayd mid Cashar Iyo Waaya Aragnimo  laga bartey.


Developed by Jago Desain