DAALACO : JADWALKA IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE PUNTLAND EE FASALADA 8-AAD IYO 12- AAD EE SANAD DUGSIYEEDKA 2016/2017

DAALACO : JADWALKA IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE PUNTLAND EE FASALADA 8-AAD IYO 12- AAD EE SANAD DUGSIYEEDKA 2016/2017
waxaa dhawaan ka bilaabanaaya dhamaan deeganada Puntland imtixaanadii shahaadiga ahaa ee looga gudbaayay marxaladaha waxbarasho ama heerarka waxbarasho ee kala ah  ardayda dhamaystiranaysa waxbarashada asaasiga ah ee dugsiyada hoose dhexe ee  fasalka 8-aad iyo ardayda soo amayraysa waxbarashadooda dugsiyeed ee ka qallinjabinaysa dugsiyada sare ee dawlad goboleedka puntland ee fasalka 12-aad 

wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawlad goboleedka puntland ayaa horay u shaacisay in imtixaanaadka shahaadiga ah sanadka  ay bilaabanaayaan  20/05/2017, waxaan ardayda horay loogu qaybiyay siday wasaaradu sheegtay dhammaan kaararkii imtixaanka iyo macluumaadkii khuseeyay imtixaanka oo dhan.

halakan waxaan ugu soo gudbinaynaa ardayda iyo bahda waxbarashada  jadwalkii imtixaanka shahaadiga ahaa ee fasalada 8 aad iyo 12 aad  si ay ardayda iyo macalimiinta iyo waalidiintuba ay ugu diyaar garoobaan 


wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawlad goboleedka puntland ayaa sheegtay in sannadkan imtixaanka wax badan laga bedelay uuna yahay mid waaaqsan muqararka iyo manhajka waxbarasho ee midaysan 

ugu danbayntii Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada BAARGAAL.NET Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari waxay dhamaan ardayda imtixaanka u fariisanaysa ee asalada 8 aad iyo 12 aad ee dhamaan deegaanada Puntland iyo gayiga soomaaliyeed oo sanadka la mideeyay wakhtiyada imtixaanaadka  u rajaynaynaan in ilaahay u fududeeyo imtixaanka ugana dhigo mid u horseeda mustaqbal ifaya.


halkan ka Daalaco jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ee fasalada 8 aad iyo 12 aad ee sanad gugsiyeedka 2016/2017

fasalka 12-aad

fasalka 8aad 


Developed by Jago Desain