Posts

DEG DEG+SAWIRRO:- War hada nagasoo gaaray Boosaaso iyo Ciidamada oo qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay


Ciidamada Puntland ayaa ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa sidda oo la doonayey in lagaliyo gudaha magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland. 

 Ciidamada ayaa soo bandhigay gaarigan oo sidda waxyaabaha qarxa, waxaana laga badbaadiyey Shacabka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Boosaaso. 

 Sidaas oo kale waxaa gacanta lagu hayaa wadihii baabuurkan iyo shaqsiyaad la socday oo ay hadda baaris ku wadaan ciidamada dawladda puntland. 

 Lix sanduukh oo lamid ah sanduukhyadii qaraxyada dhawaan la qaban jiray lagu wadey oo lagu diyaariyey qaraxyo, dusha sarana laga saaray bambooyin, taarikooyin gaadiid oo laga isticmaalo Soomaaliland iyo Muqdisho ,isgaarsiin casri oo noocayada ay ciidamadu isticmaalaan ah iyo agabyo kale ayey isugu jireen qaraxyada la qabtay,waxaana lagu qabtay kantaroolka weyn ee magaalada Boosaaso.

 SHABAKADA BAARGAAL.NET






Developed by Jago Desain