(Dhageyso) kaluumaysato gobolka gardafuu Oo Maxkamada Soo Taagaysa Shaqaalaha Dooni ay afduubteen


Nabadoon Saciid Aadan Xayle oo kamid ah Waxgaradka deegaanka Xaabo ee Gobolka Gardafuu- Puntland ayaa sheegay in dhalinyaro Kaluumaysato ah oo afduub u haysta dooni laga leeyahay dalka Iiraan ay ku hanjabeen in Maxkamadd ay la tiigsan doonaan shaqaalaha doonida saaran.

Saciid Aadan Xayle waxa uu Tilmaamay in ay la kulmeen dhalinyarada Afduubka u haysta doonida,islamarkaana ay u sheegeen in Maxkamadd ay la tiigsan doonaan Madaama ay kusoo xad gudbeen biyaha Sooamliya.

“Waxa afduubka geystay waa dhalinyaro kaluumaysato ah, ma ahan burcad badeed,waxay ka ga’doodeen Kaluumaysiga sharcidada ay sameysanayaan maraakiibta, iyo doomaha laga leeyahay dalalka Shisheeye,waan la kulanay waxayna noo sheegeen in sharciga ay la tiigsan doonaan shaqaalaha saaran doonida”, ayuu yiri Saciid Aadan Xayle. 

 halkan hoose ka dhagayso 
Developed by Jago Desain