Posts

Emmanuel Macron Oo Noqday Madaxweynaha Cusub Ee Faransiiska

Emmanuel Macron Oo Noqday Madaxweynaha Cusub Ee Faransiiska

Natiijada doorashada maanta ay u dareereen shacabka dalka Faransiiska ayaa noqotay in Macron uu noqday Madaxweynaha dalka Faransiiska.

Emmanuel Macron oo ah 39 jir ku tartamey isaga oo aan ka socon mid kamid ah Xisbiyada Faransiiska, siyaasadiisu tahay dhex-dhexaad bidix xigta ayaa ku guuleystey doorashadii Madaxweynaha Faransiiska. 

 Macron ayaa helay codad gaaraya 65%, halka haweeneydka ka socotey Xisbiga Midigta fog NF Marwo Marine Le Pen ay heshay 35%. 

Farqigaga u dhexeeya natiijada labada musharax ee ku tartamaayey xilka Madaxweynaha Faransiiska ayaa ah mid aad u weyn, waxaana natiijadaani soo baxdey wax yar kadib markii la xirey goobaha codbixinta markey saacadda Paris ahayd 20:00 iyada oo aan guddiga doorashadu weli ku dhawaaqin

Marine Le Pen ayaa dhaqso qiratey guuldarro, waxay khudbad kooban u jeedisey taageerayaasheeda waxay sheegtey in ay Teleefon u dirtey Emmanuel Macron una tahniyeysey, khudbadeedi koobneyd ayey ku sheegtay indadka Faransiisku doorteen Madaxweyne cusub, waxayna doorteen in aan wax isbeddel ah dhicin ayey tiri, oo xaaladii hore lagu socdo.

Emmanuel Macron ayaa siyaasadda ku soo biirey saddex sano ka hor markaas oo Madaxweyne Hollande ka dhigey Wasiirka Dhaqaalaha, waxaana uu xilkaas iska casiley sanadkii hore si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha.

Dadka u soo baxay codbixinta ee Faransiiska ayaa ahaa kuwii ugu yaraa taniyo sanadkii 2002 waxaana ka qaybqaadashadu ahayd 65,30%, dadka xaqa u leh in ay codeeyaan ee ku dha 47 Milyan.

Emmanuel Macron ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa abid ee dalka Faransiisku yeeshu.Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa durbadiiba hambalyo u dirtey Macron waxaana ay sheegtey in tani tahay guul u soo hoyatey Midowga Yurub oo dhan.

 Jarmalka ayaa bisha Sebteembar 2917 gelaya doorasho, haddii Xisbiyada midigta fog ay guul ka gaari waayaan doorashadaas ayey macnaheedu tahay dalalka Austria, Holland, France iyo Germany in ay diideen Xisbiyada midigta fog.
Developed by Jago Desain