Posts

Shir Loogu Gogol Xaarayo Shirka Ka Dhici Doona Landan Oo Ka Furmay Magaalada Muqdisho


Shir loogu gogol xaarayo shirka ka dhici doona Landon ee dhacaya 11-ka bishan ayaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho, kaasoo ay yeelan doonaan dowladdaSoomaaliya iyo wadamada iyo Ururada caalamiga ee taageera Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhici doona Xarunta Xalane ayaa waxaa ka qeyb geli doona madaxda dowladda, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Mas’uuliyiin ka socota dowladda Britain.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in WasiirkaArrimaha Dibadda Jarmalka Sigmar Gabriel uu shirka maanta dhacayaka qeyb geli doono, kaddib markii safar shalayuu kusoo gaaray magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa sida la aaminsanyahay waxa lagugaarayaa heshiisyo quseeya iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu diyaarinayaa dhamaan heshiisyada lagu saxiixi lahaa shirka London.

Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay is faham ka gaaraan qorshayaasha lala tagayo shirka London,gaar ahaan siyaasadaha horumarineed ee muhiimadaha koowaad la siinayo sanadaha soo socda


Developed by Jago Desain