Posts

Top news : Dooni Kalumeysi oo Laga Leeyahay Dalka kuuriyada koonfureed oo lagu afduubtay xeebaha soomaaliya


Ciidamada Milatariga Kuuriyadd koonfureed ayaa waxa ay xaqiijiyeen in kooxo soomaali ah hubaysan ay Afduubteen dooni Kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaasi. 

 Wasaaradda Difaaca dalka Kuuriyadda koonfureed ayaa sheegtay in doonidaasi ay saarnaayeen Shaqaalo u dhashay dalkaasi iyo sidoo kale shaqaale kale oo u dhashay Qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Asia. 

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda dowladda kuuriyadda koonfureed ayaa wadda dadaallo xooggan oo ay ku doonayaan in ay kusoo Furtaan doonidaasi ay soo Afduubteen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida. 

 Waxaa muuqanaya in si tartiib tartiib ah ay uso noqonayaan Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida, kuwaas oo afduubaya Maraakiib iyo Doonyo.

 xukuumada madaxwayne c/wali maxamed cali gaas ayaa horay looga digay doonyaha kaluumaysiga sharci darada ah ee uu maamulkiisu waraaqadaha u jaraayo inay ka dhalan doonto dhibaato iyo kaluumaysatada xeebaba puntland oo ku noqda falalkii burcad badeednimada ahaa 

 baargaal.net  
Developed by Jago Desain