Posts

WAR DEG DEG AH: Qarax xoog leh oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho & War soo baxay

WAR DEG DEG AH: Qarax xoog leh oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho & War soo baxay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu qarax weyn ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha ee magaaladaas, halkaas oo ay ku yaalaan xarumo ay leedahay dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay Maqaaxi lagu magacaabo Baar Italiano oo dad badan ku qaxweeyaan galbihii iyo subixii.

Maqaayadda Baar Italiano Coffee ayaa ku dhow dhismaha Xarunta Waaxda Socdaalka ama gurigii Shaqaalaha ee Wadada Maka Mukarama.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay agagaarka maqaayada uu qarxay.

Baabuurta gurmad deg deg ah ayaa gaartay goobta, sidaas oo kale ciidamada dawladda ayaa xiray jidadka goobtaas soo gala, iyadoo Qiic iyo Uuro la arkayo waqtigan.
Developed by Jago Desain