Daawo : Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish

Daawo : Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shir Jaraa’iid oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo lagaga safaynayo Dhammaan Degaanada Puntland.

 Madaxweynahaayaa ugu horayn tacsi u diray eheladii, qaraabadii, iyo qaran kii ay ka baxeen dhamaan intii ku nafweydey dagaalkii shalay ay ciidamada Puntland la galeen Al-shabaab, kaas oo ka dhacay degaanka Af-urur ee gobolka Bari , waxaana uu madaxweynuhu ku bogaadiyey ciidamada Puntland sida ay isaga difaaceen Al-shabaab.

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba inayu diyaar garoobaan dagaal adag ooka dhan ah kooxda Al-shabaab ee kusoo duuley dalkooda, kaasoo lagaga sifaynaayo kooxdaasi dhammaan degaanada Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo shacabkeedu ay isku filan yihiin, kuna filaan jireen inay iska difaacaan Al-shabaab.‘ 

 Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu magcaabay guddi wasiiro ah kuwaas oo ka shaqayn doona qiimaynta dhibta dhacday iyo gurmadka dadka wax yeeladu kasoo gaadhey dagaal kaasi. 

 Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo beesha caalmka inay ku taageeraan dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah. 

 Halkan ka Daawo shirka jaraaid ee madaxwaynaha Puntland
Developed by Jago Desain