Posts

Dowladda Soomaaliya oo Digniin u dirtay Dadka Hubka kala baxaya Magaalada

Engineer Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Siyaasiyiin ku sugnaa Magaalada Muqdisho ay hubkii iyo Ciidamadoodii kala baxeen Magaalada.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in meel weliba oo Gobollada dalka ka tirsan looga daba tagi doono , isagoona shaaca ka qaaday in Dilalkaka dhaca Muqdisho aysan Al Shabaab kaliya geysan ee arrimo badan ku lugleeyihiin.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Engineer Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay diyaarineyso Ciidamo suga nabad gelyada Masuuliyiinta inta ka horna aan Masuuliyiinta loo ogoleyn in Hub waaweyn iyo Ciidamo badan lagu waardiyeeyo.Howlgalka Xasilinta Caasimadda ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn uga soconayay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. 

 Siyaasiyin Soomaaliyeed oo ka faalooday ayaa waxay ku tilmaameen mid wax badan ka tari kara Nabad Gelyada Muqdisho. 

 BAARGAAL.NET
 I£ha Wararka H®umarka ¢albari
Developed by Jago Desain