GOBOLKA BARI DAGAAL GALABTA DHEX MAREY SHACAB CAREYSAN IYO URURKA DAACISH

GOBOLKA BARI DAGAAL GALABTA DHEX MAREY SHACAB CAREYSAN IYO URURKA DAACISH

Warar madax banaan oo ay ka helayso Warbaahinta PUNTLAND POST deegaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegaya dagaal khasaare dhaliyay inuu dhex marey galinkii dambe ee maanta dagaalyahano ka tirsan Ururka Daacish iyo Dad shacab ah oo ah reer miyi hubaysan oo ku nool deegaano u dhaw Degmada Qandala.


Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya reer miyi hubaysan inay galinkii dambe ee maanta weerareen saldhig ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Daacish oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Urur oo u dhaw Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa sheegaya inay ku dhinteen 5 ka tirsan Ururka Daacish, halka gacanta lagu dhigay 6 ka tirsan Ururka Daacish.

Dhinaca kale khasaaraha kasoo gaarey dagaalka dadka shacabka ayaa lagu sheegay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca 5 kale, Waxaana ku gacan sareeyay iska hor,imaadka reer miyiga hubaysan oo maanta galinkii dambe kooxo ka tirsan Daacish kula dirirey deegaan magaciisa la yiraahdo Urur.

Shacabka ku nool deegaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa sida la sheegay maalmihii u dambeeyay waday abaabulo ka dhan ah kooxaha xagjiriinta ee ku dhuumalaysta saldhigyo ku yaala deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

XISGASHO : PUNTLANDPOST
Developed by Jago Desain