Hooyo Soomaaliyeed Oo Mindi Lagu Gal-galiyay Bartama Magaalada Oslo Ee Dalka Norway

Hooyo Soomaaliyeed Oo Mindi Lagu Gal-galiyay Bartama Magaalada Oslo Ee Dalka Norway

Hooyo Somaliyed oo ku nool magaaladda Oslo ee dalka Norway, ayaa saaka laba nin oo Noorweji ahi mindi la dhaceen.

Waxaana dhaawaceedii loola cararay xarunta gargaarka degdega ah ee magaalada Oslo.

Haweeneyda Mindida lala dhacay oo waraabihinta kula hadashay goobta lagu daweynayey ayaa xaaladeedu sahlaneyd, Waxase ay  sheegtay in afar Mindiyood ku dhaceen. 

Hooyadan oo magaceeda la yidhaahdo Safiyo Ciise ayaa iyada oo ka warameysa sida wax u dhaceen waxay tiri

“Anniga oo kow iyo tobankii barqanimo fadhiya kaabada gurigayga kuna foorara taleefankayga gacanta, ayaa waxa isoo duljoogsaday laba nin. 

Haddii aan sare u eegay mid kamida ayaa igu yiri erayo muuqaalkeyga iyo diintayda uu ku caayayey kii kalena gacanta ayuu mindi iga geliyey oo haddana mid labaad igu dhuftay. 

Waan istaagay oo haddana kii kalaa qoorta gacanta igaga qabtay oo intu gidaarka dib iigu riixay igu ceejiyey. 

Annigu markaas waxan bilaabay in aan iska difaaco oo iska furfuro gacmihiis uu igu ceejiyey, ayaa kii kale Mindi saddexaad igaga dhuftay gacantii aan iskaga furfurayey. 

Kadib waxan sare ugu qayliyey Help! Help! Help!. 

Markaas ayaa waxa qayladeydii maqlay oo soo cararay nin meel naga durugsan joogay, kii i ceejinayey ayaan gacan ka qaniinay. Kadibna intu isii daayey ayuu cararay, kii kale ayaa intu mindidii igu sii dhuftay isna ka daba cararay. 

Dabadeed waxa isoo gaaray ninkii iisoo gurmaday, isaga ayaana booliska u wacay ayey hooyadaasi hadalkeedii kusoo gabogabeysay.”

Dhanka kale, dhacdadani waxay u dambeysay falal isdaba joog ahaa oo waxyeelo loogu gaysaneyo dadka muslimiinta ah ee usoo haajiray wadamadan reer galbeedka, taas oo dhawr maalmood kahor magaaladda London uu Nin gaari jirsiiyey dad muslimiin ah oo kasoo dareeray salaaddii Taraawiixda. 

Waxa iyana dhacdadan muslim naceybka ah dalka Mareykanka loogu dilay gabar yar oo Todoba iyo Toban jir ah.

Weeraradan lala beegsanayo dadka muslimiinta ah ayaa wadnaha farta lagaga hayaa in ay faraha ka baxaan.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain