Posts

Madaxwayne Farmaajo oo berrito meel bannaan ah dadka kala hadli doona

Madaxwayne Farmaajo oo berrito meel bannaan ah dadka kala hadli doona

Sida ay ilo warbaahineed ka soo xigteen dad ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya, waxaa la filayaa in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu berrito khudbad toos ah u jeediyo dadweyne badan oo meel la isugu keenay.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo munaasabad loogu talogalay soo-bandhigista wixii dowladda u qabsoomay tan iyo doorashadii mudane Farmaajo.

Garoonka Kubbadda Cagta ee Banaadir ayaa ay ka dhici doontaa munaasabadda oo ay sidoo kale ka soo qeybgeli doonaan madaxda sare ee dalka iyo xubnaha golayaasha dowladda.

Boqol maalmood ayaa ka soo wareegtay markii la doortay madaxweyne Farmaajo, waxaana ay dadku ku kala aragti-duwanaadeen in ay dowladdu waxqabad la sheegi karo sameysay muddadaas iyo in aysan waxba qaban.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararaka horumarka deegaanada calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain