Mulkiilaha shabakada Facebook Mark Zuckerberg oo markii ugu horaysay la afuray koox ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis

Mulkiilaha shabakada Facebook Mark Zuckerberg oo markii ugu horaysay la afuray koox ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ku nool Minneapolis

Mulkiilaha shabakada ugu caansan mareegaha bulshadu ku wada xiriirto ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa xalay oo ay taariikhdu ahayd 22/6/2017 markii ugu horaysay la afuray koox ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis, Minnesota ee dalka maraykanka

Mulkiilaha shabakada Facebook Mark Zuckerberg ayaa bartiisa facebuuga ka yiri " Caawa waxaan markii ugu horaysay la afuray koox ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis

wuxuuna ku daray ka qaxooti ahaan, inta badan ma helaan inay doortaan dalka ay aakhirka ku danbayn doonaan , waxaan weydiiyay nin ka mid ah , kaas oo ku sugnaa 26 sano xero qaxooti, ​​haddii uu hadda dalkan maraykanka uu dareemay sida gurigiisa hooyo oo kale. 

 wuxuu I siiyey jawaab fudud oo qoto dheer: "Gurigu waa meesha uu qofku xor u yahay inuu sameeyo waxa uu rabo. Haa, taas waan dareemayaa sida gurigayga " 

 Waxaa jira meelo dhowr ahooo adduunka ah oo qofku uu ku dareemayo raaxo : Wadanka uu ku dhashay, iyo dalkeena oo la qiimeeyo xoriyadda .



Developed by Jago Desain