Posts

Qarax ismiidaamin ah iyo Weerar caawa Lagu Qaatay Hoteel ku yaala Muqdisho


Waxaa Caawa Baabuur qarax laga soo buuxiyey lagu weeraray Posh Treats oo ah meel lagu caaweeyo oo ku taal Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow isgoyska Banaadir, waxaana hotelkan iska leh gabarSoomaaliyeed oo qurbaha ka timid.

Baabuur qarax lagu soo xiray ayaa la dhigay iridda hore ee Posh oo ah meel ay inta badan dhallinyarada Muqdisho ku caweeyaan, waxaana lasoo sheegayaa inayhalkaas ka dhalatay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.Kadib qaraxaas Ciidamo ka tirsan Al­Shabaab ayaa gudaha u galay Hotel Posh, waxaana halkaas soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ugu dambeyntii ku guuleystay inay ciidamada gudaha u galay laayaan.Dadka ku sugan meesha la weeraray sheegayo inay dhimashada aad u badan tahay isla markaana laga yaabo inay gaarto ilaa 10 qof, waxayna dhimashadaan ka kala dhacday Hotel Poshiyo Pizza House oo isna kasoo horjeedo Posh.

Ciidamada Dowladda ayaa la wareegay dhammaan xaafadaha ku hareereysan meesha uu qaraxa ka dhacay, waxaana hadda la daabulayaa dhaawacyadii halkaaska dhashay.

Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliyaayaa si ramsi ah u xaqiijisay in lasoo afjaray howlgalkii ka socday Hotelka ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan Al­Shabaab, welina wasaaradda Faahfaahin kama bixin sida ay u dhaceyn iyo inta uu khasaaraha la egyahay.
Developed by Jago Desain