Top News : Wafdi Ka Socda Sacuudiga oo Lagu Wado inay Soo gaaran Muqdisho.

Top News : Wafdi Ka Socda Sacuudiga oo Lagu Wado inay Soo gaaran Muqdisho.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso warbaahinta ayaa sheegaya in wafdi ka socda dowladda Sacuudi Carabiya uu saaka ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. 

 Wafdigan ayaa waxaa la sheegay inuu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, iyagoo la kulmi doona Madaxda dowladda Soomaaliya. 

 Mr Jubeyr ayaa safaro ku maraya wadamo badan oo kuwa Islaamka ah, si uu taageero ugu raadiyo qorshaha Sacuudigadoonayo inuu ku go’doomiyo Qatar.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku cadaadineysa dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aankii ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sacuudiga uu siinayo fursadii u dambeysay dowladda Soomaaliya ee ku aadan inay labada dhinac mid la safato.Todobaadkii hore ayaa la sheegay in La Taliyaha Boqorka Sacuudiga oo safar qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdishouu kala laabtay natiijo la’aan, kaddib markii dowladda Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto Qatar.Shalay ayay aheyd markii Wafdi uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar uu soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu dowladda Soomaaliya ugumahad celiyo go’aanka dhex dhexaadnimada ay qaadatay. 

 Wasiiru dowlaha ayaa la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga hadlay xiriirka labada dal, inkastoo kulamadan ay ahaayeen kuwo Saxaafada aanay goob joog ka aheyn, hadana wax faah faahin ah dowladdu kama soo saarin.

Soomaaliya ayaa la kulmeysa cadaadis ugaimaanaya Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga, waxaana heysata labo daran mid dooro ah, cidii ay la safan laheyd.
Developed by Jago Desain