Turkiga Oo Manhijka Waxbarashada Dalkiisa Ka Saaray Cutubka Biology-ga Ee Bilowga Aadanaha

Turkiga Oo Manhijka Waxbarashada Dalkiisa Ka Saaray Cutubka Biology-ga Ee Bilowga Aadanaha
Dawalada Turkiga ayaa ka saartay manhijkeeda waxbarashada ee dugsiyadda Sarre, sheekada ablaablaynta tadawarka aadanaha ee loo yaqaan Drawin’s Theory, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaarasadda waxbarashada Turkiga.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay sheekadani ku adagtahay fahanka ardayda dhigata jaamacadaha ee da’doodu tahay 18 iyo 19 jirka, waxaanan go’aansanay in aan ka saarno cutubka buuga Biologyga ee lagu dhigto tadawar ablablaynta bilowgii aadanaha, oo lag soo dheegtay qoraal uu qoray nin la odhan jiray Charles Darwin, oo muddo badan culimada diinta Islaamka iyo kuwa masiixiguba aad uga soo horjeedeen fikirkaas.

Raislawasare ku xigeenka dalka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa mar hore sheekadan ku sheegay in ayna fiicnay in laga sii sheekooyo ama lagu dhigto dugsiyadda isaga oo ku sifeeyey in ay tahay wax gaboowday oo qurun ah xikmada badana aan ku fadhiyin.

Cutubkan laga saaray waxbarashada dalka turkiga ayaa lagu badalidoonaa sanad dugsiyeedka 2017-2018 cutubcusub oo loo bixiyey “Turkish Values”
Developed by Jago Desain