Posts

warbixin: Qadar Oo Wafti Wasiiro Ah Usoo Dirtay Soomaaliya Iyo Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha Oo...


Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho wafdi ka socda dalka Qatar oo magaalada Muqdisho soo gaaray maanta. 

 Wafdiga Qatar waxaa hoggaaminayay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar Suldan Bin Sacad alMuraikhi, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka iyo dalka Qatar. 

 Dowladda Soomaaliya ayaa wax war ah kasoo saarin socdaalka wafdiga ka socda dalka Qatar, laakiin wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar ayaa goor dhoweyd shaacisay kulanka dhex maray labada nin.

 Wasaaradad arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegtay in kulanka Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iyo arrimo labada dhinac muhiimad u leh. 

 Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Wasiiru dowlaha Qatar uu sidoo kale la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu mahad celiyo go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka ee ku aadan inay dhex dhexaad ka noqoto xiisada siyaasadeed ee dowladdaha Khaliijka. 

 Dowladda Qatar ayaa la kulmeysa cadaadis, tan iyo markii xulafada uu Sacuudiga hoggaamiyo ay xiriirka u jareen, isla markaana la geliyay go’doomin dhanka ganacsiga, lagana xirtay hawada, badda iyo dhulka.

Qatar ayaa hada isticmaaleysa Hawada Soomaaliya, kaddib markii wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay hawada ka xirteen.

 BAARGAAL.NET 
Isha wararka horumaka calbari 
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain