Wasaarada Deegaanka Puntland oo sahan kusamaysay Bohol dhawaan ka dilaacday degmada Qardho

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dawlada Puntland Mudane Faarax Cali Cabdi oo ka koobnaa Agaasimeyaal, madaxqaybeedyo, Injineero ka tirsan wasaarada Deegaanka iyo xafiiska wasaarada Deegaanka ee gobolka Karkaar ayaa galabta sahan iyo Daraasad kusoo sameeyey Bohol-cusub aysababeen Roobabkii xooganaa ee dhawaan ka da’ay degmada Qardho waxaana ay soo arkeen Xaalada Deegaankaas iyagoo soo qiimeeyey baaxada Bohoshaasi ay leedahay iyo sida wax looga qaban karo.

Bohoshaan cusub ayaa dhawaan ka dilaacday Deegaanka “Xeegood Sare” oo 5-kiiloomitir uga beegan dhanka Koonfur galbeed Magaalada Qardho, 

Bohoshaan ayaa dherer ahaan dhan 300 oo Mitir iyadoo balaceeduna uu yahay 120-CM (Sintimitir), Qotodeeduna tahay 2-Mitir “Inta Muuqata”, Sidoo kale Ujeedada Sahanka waxaa weheliyey in ay Wasaaradasoo saarto Naqshadii bohoshaan wax looga qaban lahaa.

Waftigan ayaa kormeerka iyo qiimaynta Bohosha cusub kadib waxay kulan la qaateen maamulka degmada Qardho, waxaana laga wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhamaan dhibaatooyinka la xiriira Deegaanka ee kajira degmada Qardho gaar ahaana Bohoshaan cusub, waxaana wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska iyo Maamulka degmada Qardho ay isla qaateen sidii xal loogu heli lahaa bohoshaan, 

shirkan ayaa intii uu socday waxaa la isku afgartay in wasaaradu diyaariso wixii aqoon Farsamo ah ee ay Bohoshaan u baahantahay iyo sida wax looga qaban karo iyo in ay keentodadkii aqoonta u lahaa joojinta boholaha islamarkaasna Wasaarada iyo Degmada ooiskaashanaya ay arintaan wax ka qabtaan.





Developed by Jago Desain