WASAARADA HAWEENKA OO SHIR BALAARAN U QABTEY ODOYAASHA DHAQANKA PUNTLAND

WASAARADA HAWEENKA OO SHIR BALAARAN U QABTEY ODOYAASHA DHAQANKA PUNTLAND

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dawladda Puntland ayaa maanta ku daahfurtay magaalada Garowe shirweyne balaaran oo 2 bari socon doona islamarkaana lagu tababarayo Odayaal dhaqameedyo kala duwan oo la barayo qorshe cusub oo Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dhawaan ay diyaarisay kaas oo lagu magacaabo Qorsha Taabba-galinta Jinsiga  (Gender Mainstreaming Toolkit ).

Qorshahaan oo ah mid loogu talagalay inuu wax ka badalo xaaladda Haweenka Puntland khaas ahaan u sinaanshaha Haweenka iyo Ragga fursadaha shaqo,waxbarasho iyo cadaaladda,Maadaama odayaal dhaqameedku lafdhabar u yihiin Arrimaha bulshada waxay wasaaraddu muhiimad gaar ah siinaysaa isimada iyo cuqaasha Puntland inay qayb wayn ka qaataan sidii Haweenka Puntland fursadaha shaqo, caafimaad, waxbarasho iyo siyaasadeed loogu heli lahaa Cadaalada.

Waxaa kasoo qeyb galay shirkaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dawladda Puntland Marwo Aniso Abdulkadir Hajimumin iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Mudane Cabdirisaaq Nuux Maxamed oo ugu horeyn furay shirka,  iyo Madax ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Horumarinta ee UNDP oo uu hogaaminayay Madax UNDP ee Puntland Mr Sayed Zahibsada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta haweenka oo ugu horrayn ka warbixiyay ujeedada shirka ayaa ka codsadey Odoyaasha inay taageero siiyaan haweenka, Sidoo kale madaxa UNDP ee Puntland ayaa isna kula dardaarmay inay Odoyaashu haweenka ka qeybgaliyaan fursadaha ka jira dalka.

Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo daahfurtay kulankaan ayaa ku dheeraatey ujeedada shirka, waxayna ka codsatay Odoyaasha inay Wasaaradda Haweenka ku taageeraan fulinta qorshahaan iyo taabagalinta jinsiga isla markaana ay u cadaalad sameeyaan ragga iyo dumarkaba markay fursado yimaadaan.

Waxay sheegtay wasiir Aniso in haweenka Soomaaliyeed dhib weyn ku qabaan markay doonayaan inay bulshada u adeegaan sababtuna tahay iyagoo caqabad aad u wayn kala kulma dhinaca dhaqanka.

Ugu dambayn Nabadoonada kasoo qeybgalay shirkaan  ayaa soo dhaweeyay qorshaha cusub isla markaana Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dawladda Puntland ku amaanay hawsha ay Haweenka Puntland u hayso dhan walba waxay sidoo kale balanqaadeen inay garab istaagi doonaan Wasaaradda iyo Masuuliyiinteeda.








Developed by Jago Desain