Posts

Wasiir K/xigeenka Amniga Dawlada Federaalka Soomaaliya oo Tacsi u Diray shacabka iyo Dowladda Puntland


Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ahana xildhibaan ka tirsan barlamaanka Fedraalka Soomaaliya MP Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa ka tacsiyeeyey falkii argagaxiso ee ka dhacay deegaanka Af-urur ee Puntland. 

 “Waxaan dhamaan shacabka iyo Maamulka Puntland oo dhan uga tacsiyeynayaa falkii waxashnimada ahaa ee maanta kadhacay af urur ee gobalka bari , oo ay so qaadeen qowleesata argagaxisada ah oo caadeestay dhiigga shacabka soomaaliyeed kuna dhinteen meeshaas ciidanka Puntlad iyo shacab” ayuu yiri Wasiirku, 

 wuxuuna sii raaciyay “waxaana balan qaadeenaa amaanka soomaaliya in aan hagaajino annaga og inay sii wiiqmayaaan marba marka ka dambeesa .

 Waxaana ka codsanaynaa shacabka somaliyeed inay garabsiiyaan ciidamada har iyo habeen u taaagan sugida amaaankooda”ayuu yiri Wasiirku 

Ugu danbayntii Wuxuu u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana Puntland iney nabad ku soomaan kuna afuuraan.
Developed by Jago Desain