Akhriso: Hay’addaha laga mamnuucay gudaha Puntland iyo warbixinadii ay ka gudbiyeen Puntland

Akhriso: Hay’addaha laga mamnuucay gudaha Puntland iyo warbixinadii ay ka gudbiyeen Puntland


Bilihii May iyo April, ayaa labo hay’adood oo mid ay hoostagto Qaramada Midoobay waxay soo saareen warbixinno ay la wadaageen hay’adaha kale ee ka shaqeeya dalka. Hay’adahan oo qiimeyn ka sameeya dhanka amniga ayaa walaac ka muujiyay xaalada amni ee Puntland oo ay ku sifeeyeen mid sii xumaaneysa.

Labada hay’adood ee warbixinta qoray waxay kala yihiin; UNDSS (United Nations Department of Safety and Security)  oo ah laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan ka tala-bixinta amniga iyo badbaadada hawlgallada shaqaalaha iyo xafiisyada Qaramada Midoobay iyo NSP (NGO Safety Program) oo ah hay’ada qiimeysa kana digta khataraha shaqaalaha gargaarka ee wadamada ay colaaduhu ka jiraan.  Labada hay’adood ayaa fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayse shaqaale ku leeyihiin guud ahaan gobollada dalka.

Warbixintan waxay tilmaantay sida kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS) ay ugu xoogeysteen gudaha Puntland iyo weerarada kooxahan ay ka geystaan Puntland.  Warbixinta oo nuqul ka mid ah ay arkeen wariyaasha Raxanreeb, ayaa caddeysay in ciidamada Puntland ay ku guuldareysteen amniga gudaha, halka sirdoonka xooraansiga aanu ka jirin Puntland, oo ciidamadii Sirdoonka loogu talagalay isu bedeleen ciidan dagaalama oo furimaha loo daadgureeyay, taasoo fursad siisay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish inay magaalooyinka ku soo dhuuntaan oo ay xarumo ku yeeshaan iyagoo aan cidna ka warheyn.
Warbixinnada hay’ada waxay daba joogeen warbixin bishii Nofembar ee 2016 ay soo saartay kooxda la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea oo ku dhaliishay maamulka Madaxweyne Cabdiweli Gaas sida uu ugu guul darreystay xakameynta fiditaanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee gudaha Puntland.
War saxaafadeedka golaha xukuumadda Puntland ayaa sheegay in shaqaalaha hay’adahaasi tallaabo laga qaadi doono, walow aysan caddeyn sida Puntland ay ula tacaali karto shaqaale ajnabi ah oo weliba hoostaga Qaramada Midooay, lehna xasaanad diblomaasiyadeed, marka laga reebo in dalka laga ceyriyo oo kaliya.

BAARGAAl.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Developed by Jago Desain