Ciidamada Puntland Oo Hawlgal ka Dhan ah Daacish ka wada Duleedyada Degmada Qandala


Ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa maanta hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Daacish ka bilaabay deegaanada hoos-tagga Degmada Qandala ee Gobolka Bari 

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xersi Cali Qarjab ayaa Khamiistii sheegay inay qaadayan guluf ka dhan ah Daacishta iyo Shabaabka ku sugan Buuraha Gobolka Bari, si looga sifeeyo 

Ciidamada Puntland, ayaa maanta gaaray deegaanka Karimo oo 45km u jirta Degmada Qandala, iyadoona ay isaga baxeen maleeshiyada Ururka Daacish. 

Ururkas ayaa la sheegay in laba toddobaad ka hor ay deegaankaasi ku dileen dad rayid ah 

Gudoomiyaha Degmada Qandala, Jaamac Maxamed Quurshe, ayaa sheegay in si wanaagsan uu ku socdo hawlgalka maleeshiyada Daacish looga sifeynayo deegaanada hoos-tagga degmadaasi 

Gudoomiyaha, ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Daraawiishta, isla-markaana ay ka fogaadaan inay gacan u fidiyan maleeshiyada lagu daba jooggo 

C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland, ayaa Arbacadii Magaalada Garoowe ka sheegay inaanay u naxariisan doonin cadowga, oo uu kala jeedo Shabaab iyo Daacish

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain