Daawo sawiro : Saamayntii iyo Burburkii Baddii kusoo fatahday qaybo badan oo kamid ah Magaalada Caluula

Daawo sawiro : Saamayntii iyo Burburkii Baddii kusoo fatahday qaybo badan oo kamid ah Magaalada Caluula

Dadka degan degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa qeyla dhaan iyo codsi u diray maamulka Puntland kadib markii ay badweynta kusoo furantay oo qeyb ka mid ah magaaladu bad noqotay.

waxaana la xaqiijiyay in  qayb kamid ah magaalada ay ka mid noqotay badda iyadoo biyuhu soo galeen guryo badan iyo ay burburiyeen oo qaateen dhir badan islamarkaana la tageen ku dhawaan 20 kamid ah doonyihii Kalluumaysatada.

Arrintan ayaa timid kadib markii Ciidi xirtay Kannaal biyuhu gali jireen xilliyada baddu kacsantahay, taasoo sidoo kale ay miciirsi usoo raadsan jireen noolaha Kalluunku kamid yahay ee ku jira Badda.

Dadka degan deegaanada hoos yimaada Caluula ayuu sheegay inay isugu yeereen si loo xalliyo dhibkan kalifay in dadkii ay ka barakacaan qaybo kamid ah magaalada, balse ay ku guulaysan waayeen maadama sida uu xusay loo baahanyahay gadiid lagu faago ciidda.

Muuqaalo laga helaayo magaalada Caluula ee xarunta gobolka garda
fuu ayaa muujinaya guryo badan oo galay badda iyo dhir waawayn oo ay baddu sidato qaybna qaadatay kadib markii biyuhu kasoo tallaabeen xadki ay joogeen, waxaana laga cabsi qabaa in degmada gabi ahaanteeba qarsoonto hadii aan arintas si degdeg ah wax looga qaban .

halkan ka daawo sawiro laga soo qaaday Burburkii Baddii kusoo fatahday qaybo badan oo kamdid ah Magaalada Caluula 






Developed by Jago Desain