Madaxwayne Farmaajo oo diiday dalab madaxda maamullada u gudbiyeen oo ku wajahnaa xiisadda khaliijka

Madaxwayne Farmaajo oo diiday dalab madaxda maamullada u gudbiyeen oo ku wajahnaa xiisadda khaliijka

Kullan ay madaxda maamul Goboleedyada  Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay madaxweyne Farmaajo si toos ah ugula hadleen arrimahaan iyagoo ka codsaday in madaxweynaha wax ka badalo siyaasadda ay dowladda ka taagan tahay xiisada khilaafka Khaliijka, muujiyana in dowladdu taageerto xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka hoggaamiyaan.

Wararka laga helaayo madaxtooyada soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ka diiday qorshahan seddaxda maamul goboleed oo xiriiro aad u dhow la leh Imaaraadka Carabta.

Diidmada madaxweyne Farmaajo ee qorshaha ay usoo bandhigeen maamulada gobolada qaarkood ayeysan ku qancin, waxaase lagu balmay marka maanta lasoo gabagabeeyo shirka amniga in kulamo kale laga yeelan doono arintan .
Developed by Jago Desain