Posts

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo si adag uga hadlay Kordhinta baarlamaanka Puntland

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo si adag uga hadlay Kordhinta baarlamaanka Puntland


Madaxweynihii hore ee dawlad goboleedka Puntland Dr Cabdiraxmaan Max’ed Faroole, haddana kamid ah xubnaha Aqalka Sare ee dawladda Faderaalka ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in lafurayo Dastuurka Puntland, lana siyaadinayo xubnaha golaha Wakiilada.

Madaxweynihii hore wuxuu sheegay in aan la furi Karin, laguna xadgudbi Karin Dastuurka Puntland oo uu yahay heshiis bulsho oo ay u codeeyeen Ergo ay soo dirsadeen Shacabka Puntland.

Dr, Faroole ayaa sheegay in Xukuumada hadda jirta in aysan dalka gaarsiin doorasho hal qof iyo hal cod ah, wuxuuna sheegay in lagu laaban doono sidii hore ee Xildhibaanada ay Isimadu saxiixi jireen.
Sidaas oo kale wuxuu ka hadlay shirka Isimadda ee hadda ka socda Garoowe, wuxuuna cadeeyey in aan la gaarin waqtigii Isimadda loo tagi lahaa, oo ay hartay 1 sanno iyo bar oo ula jeeday waqtiga jiritaanka baarlamaanka hadda jira.

Talaabadan ayaa xoojinaysa warar soo baxayey mudooyinkan oo sheegaya in Siyaasiinta Puntland ay diidan yihiin in la kordhiyo golaha Wakiilada, iyadoo ay jiraan beelo baddan oo horay u sheegay inay ku dulmanyihiin saami qaybinta kuraasta iyo xilalka dawlad goboleedka puntland oo ay noqonaysa mar hadii wax laga dalo dastuurka in iyagana la qanciyo .

BAARGAAl.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Developed by Jago Desain