Posts

RW Kheyre oo si deg deg ah looga yeeray Guddiga Joogtada ah ee golaha Baarlamaanka, Maxaase dhexmaray?

RW Kheyre oo si deg deg ah looga yeeray Guddiga Joogtada ah ee golaha Baarlamaanka, Maxaase dhexmaray?


Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa xilligan shir deg deg ah uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo loo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Shirka oo uu albaabada u xiran yahay ayaa su’aalo lagu weydiinayaa Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan arrimo ku saabsan kacdoon hoose oo ay wado Xukuumadda oo ay ku kicineyso bulshada iyo hadalkii ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka ay hadalka Sheekh Nuur Baaruud aad uga caroodeen, ayna keentay in Guddoonka ku wargeliyaan in arrintan si deg deg ah wax looga qabto, taasoo keentay in kulan deg deg ah la isugu yeero Guddiyada joogtada Baarlamaanka, si arrintan looga hadlo, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha loo yeero si uu jawaabo uga bixiyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga yaabaa inuu raalli gelin ka bixiyo hadalka ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo labo habeen ka hor ka hadlay xaflad ka dhacday xarunta Gen. Kaahiye ayaa sheegay in Xildhibaanada wada mooshin lagu duminayo Xukuumadda ay meelaha ay joogaan ugu galayaan, isla markaana iyaga iyo shacabka ay garaacayaan, taasoo madaxdii uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha ay u sacbiyeen, una istaageen.
Hadalkan ayaa ahaa mid xiisad dhaliyay, isla markaana qaar ka mid ah Xildhibaanada ay aad uga fal celiyeen, iyagoo ku eedeeyay Sheekha inuu faraha la galay howl baarlamaan, isla markaana halis geliyay nolosha Xildhibaanada Baarlamaanka.
Guddiyada Joonka Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu caddeeyo in Xukuumadda aanay xilligan wax mooshin laga wadin, kaddib hadal heyno beryahan jirtay iyo kicin lagu haayo shacabka oo la isaga hor-keenayo shacabka iyo Xildhibaanada.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararaka Horumarka calbari  

Developed by Jago Desain