Sawiro: Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Ee Puntland.

Sawiro: Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Ee Puntland.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 July 2017 Daahfuray dhismaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland oo Garoowe laga hirgeliyey dhismaheeda.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey daahfurka xurintani cusub Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawlad goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, saraakiil ka socdey hay’adaha UN-HABITAT iyo UNDP, urrurka haweenka Puntland iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaaladdaGaroowe.

Madaxweynaha Puntland oo kahadlay munaasibada daahfurka dhismahani cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qayska ee Puntland ayaa sheegay in dhimahan cusubi uu yahay dhismihiiugu tayadda wanaagsanaa uguna nashqadaynta wanaagsanaa intii la hirgelinayey Wasaaraddo,waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey cidkasta oo gacan ka geysatey hirgelinta xaruntani oo ayugu horeeyaan hawl wadeenadda Wasaaraddu.‘’

Dhismayaan badan oo dawladdeed ayaa intaanu joogney fureyney ha ahaadeen kuwo aanu gacan ku lahayn iyo kuwo aanu buldhig ka ahaynba eh, laakiin runtii maanta waxaanu halkan ku aragnay majirto ilaa hadda kuwo soo socda waa dhici kartaaye in isbedel dhabi uu jiro, waxaa ka muuqda dedaalka galay, waxaa ka muuqda hufnaanta lagu dhisay’’ ayuu yidhi Madaxweynuhu.

‘’Taasi Maxay cadaynaysaa? Waxay cadaynaysaa hogaanka haweenka, inay ka daacadsan yihiin, ka wax tarsan yihiin, ka musuq maasuq yar yihiin Raga, ‘’raali ahaada Ragaw’’, halbaanse idiin sheegayaa dumarka laftigoodu awooda Illaahay siiyey inay aqoon sadaan baalaga rabaa, Ragu waxay yiraahdaan waxaanu nahay madaxii qoyska, laakiin waxaysan fahansanayn dumarku inay yihiin luquntii qoyska’’ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in aanay jirin, jirina doonin hal wasaarad oo maanta ku jirta guri kiro ah oo gaar loo leeyahay, isla markaana aanay jirin Wasaarad aan helin adeegeedda oo dhamays-tiran.

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Anisa Cadulqaadir Xaaji Muuminayaa dhankeeda sheegtayin wasaaraddani ay tahay tii ugu horeysey ee laga hirgeliyo Puntland iyo Soomaaliya oo dhan, waxaana ay tibaaxday in dhimahani ka kooban yahay qaybo kala duwan oo wax tar u leh haweenka iyo dhalaanka Puntland.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadnaqay hay’addaha ka qayb qaatay dhismahani Wasaaradda, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in hadii lasyku tashto waxwalba la qabsan karo laguna guulaysan karo horumarinta wadankeena.

==DHAMMAAD==XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHAIYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.











Developed by Jago Desain