Wasiirka Haweenka Puntland oo qalab ku wareejisay Ururka Naafada

Wasiirka Haweenka Puntland oo qalab ku wareejisay Ururka Naafada

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimha Qoyska ee Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa maanta haya,adda bisha cas ee Qadar kala wareegtay qalab loogu tala-galay xarunta naafada Puntland oo ay dhismihiisa bilowday Wasiirada Haweenku.

Hal abuurka xarunta naafada Puntland oo lagadhisay meel aan ka fogayn xarunta Wasaaradda Haweenka ayaa hal abuurka lagu dhisay waxaa iska leh Wasiirka Haweenka Marwo Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin iyadoo mashruucan gacan uga heshay haya,ada bisha cas ee Qadar.Mukhtaar Cabdirisaaq oo ka socday haya,adda bisha cas Qadar oo munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerida xaruntan wuxuuna wasiirka haweenka ku amaanay kaalinta ay ku leedahay hirgelinta xaruntan.

Wasiir Anisa ayaa qalabkamaanta lagu wareejiyey oo isugu jiray sariiro boqol kor u dhaafaya joodariyo iyo agab kale waxay ku wareejisay gudoomiye kuxigeenka ururka naafada Puntland Dalmar Guureye wuxuunau mahadceliyey wasiirka haweenka oo u sheegay inay ka go,antahay in dadka naafadu helaan xuquuqdooda islamarkaana la horumariyo.

Marwo Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa ku dheraatay marxaladihii uudhismahani soo maray waxayna haya,dda bisha cas ee Qadar ka codsatayinay ka tageerto sidii dhismahan oo xilligan ka kooban xafiisyo iyo Cusbitaal loogu sii kordhin lahaa hoy la seexdo iyo dugsi lagu barto farsamada gacanta.






Developed by Jago Desain