Posts

XOG: Baarlamaanka Puntland oo ku dhegan Madaxwayne C/weli Gaas iyo mooshin laga diyaariyay


Guddi ka socday baarlamaanka Puntland iyo madaxwayne C/weli maxamed Cali Gaas ayaa kulan ku dhex maray aqalka madaxtooyada puntland ee caasimada Garoowe ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, kadib markii guddiga xildhibaanada ay madaxwayne Gaas ka codsadeen in baarlamaanka uu horkeeno dhamaan nuqulada heshiisyada caalamiga ah ee lala galay Imaaraadka iyo shirkaddaha caalamiga ah.

Xildhibaanada ayaa waxay hordhigeen madaxwane C/weli Gaas in si sax ah loo maamulin lacagihii laga helay Imaaraadka ee dekadda Boosaaso iyo mashaariicda kale ee horumarined loogu talagalay, waxayna dalbeen in kulanka 39-aad ee baarlamaanka uu horkeeno nuqulada heshiisyadaasi.

Madaxwayne Gaas ayaa ku qanci waayay dalabka xildhibaanada wuxuuna ku adkeystay in baarlamaanka uu horgeynaayo kaliya nuxurka heshiisyadaasi, isla markaana aysan wax macno ah sameyneyn in dhamaan nuqulada uu la hortago baarlamaanka.
Intaasi kadib, waxaa lagu kala kacay fadhigii ay yeesheen madaxwayne Gaas iyo guddiga xildhibaanada, waxaana bilowday olole lagu diyaariyay mooshin ka dhan ah xukuumadda Gaas oo baarlamaanka horyaalo.

Ilaa 40 xildhibaan ayaa qoray mooshin ka dhan ah xukuumadda oo xasaanada ay kala noqonayaan

Kulanka 39-aad ee kalfadhiga baarlamaanka ayaa qodobada horyaala waxaa ka mid ah in la horkeeno dhamaan heshiisyada caalamiga ah ee uu Madaxweynaha Puntland galey iyo la xisaabtanka xukuumadda.

Kulankii Isniinta 17-07-17 ee baarlamaanka ayey dood adag ka yeesheen Xukuumadda, xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in xasaanada lagala noqdo Madaxweynaha iyo Kuxigeenka, halka qaar kale ay soo jeediyeen in loo yeero, waxaana uu kulankaasi ahaa fadhigii ugu adkaa, waxaana fadhiyey xildhibaano ka badan 40.

Maanta ayaa la filayaa in laga doodo mooshinka ay saxiixeen 40 mudane ee soo jeediyay in xasaanada legalo noqdo madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

BAARGAAl.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Developed by Jago Desain