July 03, 2017

XOG CUSUB: Qatar oo Hawadeeda ka saartay TV-ga Maamulka Somaliland & Sababta oo la ogaaday


Dawlada Qadar ayaa xanibtay mid kamid ah godadkii Satellite Thaicom ee uu isticmaali jiray Telefishanka maamulka Somaliland. 

 Satellite Thaicom 6 oo ahaa mid lagadaawan jiray qaaradda afrika oo frequency-giisu ahaa 3670 Symbol Rate 3333 ayaa hawada ay ka saartay dowladda Qatar, waxayna Somaliland u wareegtay Satellite cusub oo Frequencey-giisu yahay 4114 Saymbol Rate 1333, iyada oo kaas laga daawan karo 

 Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa arrintaasi beeniyay, isaga oo sheegay in aanay wararkaas waxba ka jirin,waxaase ilo xog ogaal ahi sheegayaan in markii horeba ay godkaasi lahayd dawlada Qatar.

 Ilaa hadda ma cadda sababtay ay godkaasi uga guureen bahda Telefishanka Somaliland, hase ahaatee waxaa lala xiriirinayaa go’aanka ay Somaliland ku taageertay Imaaraadka iyo xulufada Sacuudiga hoggaaminaayo.  
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner