Posts

XOG:- Maxaa Ay Ka Wada Hadleen Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka Iyo M/weyne Farmaajo?

XOG:- Maxaa Ay Ka Wada Hadleen Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka Iyo M/weyne Farmaajo?


Xogahaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka taageerto qorshayaasha horumarineed ee ay higsanayso iyo in ay kala shaqayso dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku cirib tireyso argagaxisada.
War ka soo abxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Tillerson uu khadka teleefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda isla markaana u xaqiijiyay in Maraykanka uu si buuxda u taageerayo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Ahmiyadda ugu weyn ee aan leenahay waa sugidda nabadgalyada iyo xaqiijinta in hay’adaheenna ammaanka ay yihiin kuwo tayo iyo tababar fiican leh. Waxaan dardargelinaynaa dagaalka ka dhanka Alshabaab si loo afjaro khatarta argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ka caawisay in ay hawlgallo ka fuliyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen argagixisada Alshabaab.


BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain