Posts

AKHRISO:- Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Taageertay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay Madaxweyne Cosoble

ladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mowqif cad ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyadoo taageertay go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga qaadee Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.

Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Wasiiradii Jowhar u tagay xaqiiq raadinta, waxaana ay Golaha uga warbixiyeen kulamadii ay la qaadeen dhinacyada kala duwan ee maamulka.

Golaha Wasiirada ayaa markii dambe ayiday go’aanka Baarlamaanka Hirshabeelle ee xil ka qaadistii Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa gaba gabadii kulankaas saxaafada u akhriyay war murtiyeed ku aadan mowqifka dowladda ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee Hirshabeelle, wuxuuna sheegay in la tixgeliyay go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ee ay gaareen 14-kii bishan.

Sidoo kale Wasiir Juxa ayaa sheegay in muddo 30 cisho gudahood lagu qabto doorashada Madaxweynaha cusub, isla markaana la sameeyo Guddi doorasho, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay kormeereyso farsamo ahaan.

Wasiirka ayaa sheegay inay taageerayaan talada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ee ah in xilka Madaxweynaha ay u tartanto Beesha Xawaadle oo kaliya.

Halkan hoose ka akhriso mowqifka dowladda:-


Developed by Jago Desain