Posts

Booliiska Jaziirada Malta Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Loo Heysto Falal Burcadnimo


Booliiska Jaziirada Malta ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen shacbaan aadan jaamac oo 21 jir ah iyo maxamed abib xashi oo isna 22 jir ah kuwaa oo loo heesto falal burcadnimo islamarkaana lagu eedeeyay in ay baxsadeen katiinad dahab ah oo qoorta ugu jirtay muwaadin u dhashay dalka raashka kadibna cagahooda ay ku baxsadeen.

Dhibanaha oo soo wargeliyay  laamaha amaanka ayaa keeentay baaritaano ay sameeyeen ciiidamada booliiska in  muwaadiniinta soomaaliyeed gacanta lagu soo dhigo kuwaa oo xabsiga loo taxaabay.


Balse maxkmada sare ee jaziirada Malta ayaa sheegtay in aysan heynin wax  cadeemo ah oo ku aadan falkan ay galeen oo ilaa imika aysan jirin wax marqaati ah ama goob jog ahaa marka falka uu dhacayay.

Ispatoore lagu magacaabo Micallef ayaa waxa uu sheegay in laga qoray eedeemaha dhibanaha raashiyaanka ah ee la kulmay falka xatooyada islamarkaana ay wadan baritaano dheeri si loo ogaado doorka ay ku yeelan karaan falal nuucaan oo kale ah kuwaa oo horay ugu dhacay jaziiarada Malta oo xabsi u ah tiro muwaadiniin soomaaliyeed oo loo heesto falal kala duwan.
Developed by Jago Desain