Posts

Deg Deg Gudoomiyihii gobalka Galgaduud iyo walaalkiis oo Muqdisho lagu dilay

Deg Deg Gudoomiyihii gobalka Galgaduud iyo walaalkiis oo Muqdisho lagu dilay
Kooxo hubeeysan ayaa goordhow degmada Yaaqshiid xaafada Carafaad ku dilay gudoomiyihii gobalka Galgaduud Maxamed Sheekh Daahir iyo walaalkiis kadib markii ay ugu galeen guri ku yaala xaafada Juungal oo gudoomiyaha la sheegay inuu booqasho uu ku tagay.

Gudoomiyaha ayaa waxaa la socday walaalkiis oo la sheegay in isagana la dilay dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kooxda oo baskoolad ku hubeeysnaa ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada dowalda ayaa goordhow gaaray halka dilka ka dhacay iyagoo baaritaano xoogan ka wada xaafadaha degmada yaaqshiid

Wixii ka soo dib ayaan idinkala soo socodsiindoonaa insha allah
Developed by Jago Desain