Dhagayso: Maamulaha Dugsiga Hoose/ Dhexe ee D. Baargaal : ardayga waalidka maamulka iyo macalinku waa inay isku xirnaadaan


waxaa dhawaan dib u furmaayaa xarumihii waxbarashada iyadoo ay ardaydu ka soo noqonaayaan fasax dheer oo saddex billood ahaa , waxaana bilaabanaaya sanad dugsiyeed cusuub

hadaba diyaargarowga sanad dugsiyeedka cusub , waxyaabaha lagu soo kordhiyay xurumaha waxbarashada degmada iyo xaaladda Guud ee Dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiga sare ee degmada ayaa waxaan waraysi Dhinacyo badan taabanaya kala yeelanay Maamulaha Dugsi hoose dhexe ee bilaal ee degmada baargaal ahna xubin ka tirsan guddiga waxbarashada degmada baargaal macalin shaafici yuusuf cismaan.

marka hore waxaan maamulaha waydiinay inuu nooga waramo sida iskuulka sare oo uu macallinka ka yahay iyo kan hoose dhexe ee uu maamulaha ka yahay hawlahoodu u socdaan asagoo sheegay inay sanadka dadaal xoog badan galeen ayna keeneen macalimiin cusub kuwaas oo ay kala soo baxeen macalimiin badan iyadoo bulshada baargaal dadkoodii aqoonta lahaa ay la joogeen waxuuna sheegay in ay ku qaateen mcalimiinta shahaado jaamacadeed khibrad ayagoo oo ka duulaya wixii dhacay sanadkii hore.

maamulaha dugsiga hoose dhexe ayaa intaasi ku daray in si xal looga gaaro wixii dhacay inaysan dib danbe u dhicin ay tahay in ardayda iyo waalidiintooda iyo maaamulka iyo macalimiinta ay isku xirnaadaan oo ay hawsha u wada istaagaan oo ciddii ka gaabisa cannaanteeda la saaro ayadoo la wada joogo.

ugu danbayntii maamule shaafici yuusuf cismaan ayaa sheegay inay jecelyihiin ayaga ka maamul ahaan iyo bulshada oo isku duuban sidii ay ardayda Baargaal kaalintii lagu yiqiinay u buuxin lahaayeen oo ay magacii iyo sharaftii usoo celin lahaayeen asagoo ugu baaqay bulshada inay hurdada ka kacdo oo waxbarashada qaybtii ay ku lahaayeen u istaagaan ayagana qaybtooda wixii ka dhima ugu qabsadaan

halkan kahagayso waraysiga oo dhamaystiran





Developed by Jago Desain