Posts

Ducaysane”xildhibaanada puntland waa in sida burcaddii loola dagaalamo”



Agaasimihii horre ee la dagaalanka Burcad badeedka Puntland Ahna shaqsigii ugu horeeyay oo keenay fikirkii la dagaalanka Burcad badeedka Somalida Cabdirasaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo warfidiyeenka Puntlandpost maanta kula hadlay magaalada Garowe ayaa ku baaqay in baarlamanka Puntland loola dagaalamo sidii burcad badeedka oo kale ka dib markuu ku dhaliilay wadadii ay u mareen 18 July 2017 ridida Gollihii Xukuumadda Puntland.

Cabdirasaaq Ducaysane ayaa ku cambaareeyay Xildhibaanada Puntland qaadashada laaluush iyo musuq maasuq ay u horseedeen dalka iyo dadka, wuxuuna sheegay go,aankii ay ku rideen Xukuumadda Puntland inuu ahaa mid kasoo bilaabmay heshiiskii Dubai lagula galay Shirkadda DPWorld .

Wuxuu ku sifeeyay Gollaha Baarlamanka Puntland kuwo la mid ah Burcad badeedka, Islamarkaana loo baahan yahay in Xildhibaanada looga guulaysto wacyigalin sidii looga guulaystay Burcad badeedkii oo kale.

Wuxuuna ugu baaqay Dadweynaha iyo Culimo udiinka inay ula dagaalamaan sidii burcad badeedka oo kale sida inaan guryo laga iibin, inaan wax cunto ah iyo dhar ah laga gadan, inaan la guursan oo aan la salaamin xitaa caruurtooda la guursan”Ayuu yiri Agaasimihii horre ee dagaalanka Burcad badeedka Puntland.

Hadalka Ducaysane ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyay ay si weyn u hadal hayeen dadweynaha reer Puntland qaadashada lacag laaluush ah Gollaha Xildhibaanada 18 July 2017 si deg deg ah xasaanada ugala noqday Gollihii Xukuumadda Puntland.
Developed by Jago Desain