August 16, 2017

FAALLO:- XUKUUMAD XIL GUDAN-WAA IYO BAARLAMMAAN DANTIISE GUTE


Waxay ahayd dhawaan markii aqalka wakiillada dowladda Puntland oo dadku ku xaman jireen inuu hurdo dheer ka galay howlihii uu bulshada wakiilka uga ahaa uu hal mar soo baraarugay oo heeryada la kacay si kadis ahna xilkii uga xayuubiyay xukuumaddii Abdiwali Gaas iyagoo u cuskuday xil gudasho la’aan.

Dadwaynaha reer Puntland siyaalo kala duwan bay u arkeen tallaabadii degdegga ahayd ee baarlammaanku qaaday, kuwo soo dhaweeyay una arkayay in goluhu xilli loo baahnaa haba la soo daahee uu dhanka xukuumadda la xisaabtan u dhugtay, halka kuwa kalena u arkayeen in la xisaabtanku uusan ahayn tallaabo dan guud loo qaaday balse uu ahaa mid dan gole lagu raadinayey.

Fikirka danbe waxaa xoojinayay warbaahinta Puntland qaarkood oo warinayay gorgorton u socda madaxtooyada iyo guddi golaha wakiilada metelayay, dan ka hadal iyo waliba qaddaro kala duwan oo lacageedna soo bandhigayay. Waxaa wararka warbaahinta, iyo kuwa bulshada kulankeeda la iskula dhex marayay ku badnaa shuruudaha dowladdu wax ku bixinayso oo laga rabo in baarlammaanku fuliyo sida duudduub iyo dood la’aan ansixiinta heshiisyada xukuumaddu gashay, degmooyinka cusub,  xisaab-xirka maaliyadda iyo meel marinta xubnaha golaha wasiirada cusub ee soo socda.

Iyadoo shakigaasi soo muuqday haddana in badan oo dadwaynaha ka mid ahi way is diidsiinayeen suurtagalnimada in baarlammaanku danahooda gaarkaa eeganayeen saasna u rideen xukuumaddii xil-gudan-waa. Waxay dadkaasi ku sababeeyeen in baarlammaanku markii horena uusan hurdin ee wax xeerinayay, xukuumaddana hoos u sixid iyo waano ku waday, markuu kala quustayna ay khasab noqotay in lasoo faragaliyo. Waxyaalaha loo sababeeyay in baarlammaanku lasii jiifi waayo waxaa ka mid ahaa:

 Sicirbararka ragaadiyay bulshada noloshii danyartana naafeeyay, dawladduna sababta koowaad ka tahay markii lacag aan sharci ahayn ay ku harqisay suuqyada, kuwa kalena ku daydeen.
Sidii loogu dhagray ummadda reer Puntland diidmada nidaamkii 4.5 oo meeshii lagu diiday iyo sababtii lagu diiday la isla ogaa, meeshii dhab ahaan lagu yeelay iyo wixii lagu beddeshayse aan la isla wada ogayn.

Amni darradii oo sii baahday mid guud iyo mid gaara iyo dadka oo habeen iyo maalin isku si dariiqyada magaalooyinka waaweyn loogu laynayo.

Degaamadii maqnaa ee Puntland oo abaajiyay lana sii dayacay dabagalkoodii, intii hartayna mustaqbalkooda siyaasadeed mugdi la galiyay loona cabsanayo, gaar ahaanna gobolka Mudug oo dagaallo is xigxigayna lagu galay dan lagu gaarayna aysan muuqan.
Dhaqaalo darro baahsan oo qof kasta gurigiisa ugu tagtay, malaha inyar oo xukuumadda xilal ka haysa iyo in ku hoos naban maahee.
Iyo ku xadgudub awoodeed oo khalkhalin siyaasadeed horseedi kara oo xukuumaddu faraha la gashay, hadaf ku darsi oo aan xeeladaysnayna laga lahaa.

Arrimahaas iyo kuwa kasii badan bay dadwaynihii taageerayay go’aanka baarlammaanka ku macneeyeen in baarlammaanku ugu danbayn garwaaqsaday tallaabaduu qaadayna ku saleeyay.

Maxaa xigay

Durba waxaa soo ifbaxay in gilgilashadii baarlammaanku xaqiiqdii noqotay baroortu orgiga ka wayn, iyo in dano gurracan oo aan shacabka loogu danaynayn laga lahaa rididdii xukuumadda. Waxaa caddaatay in labadii gole oo isla xisaabtanka la isugu miisaamay heshiiyeen, oo qolo waliba danteedii gaartay, danta kaliya oo meesha ka maqanse noqotay tii ummaddii xilka loo hayay, oo iyadoo  daallan, duruufaysan, abaar kasoo doogna ah dusheeda lagu macaashayo. Waxay xaajo kusoo ururtay col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay. Ninkaad xil ama xoolo u dhiibatid oo ku dayaca waxaa kaaga xanuun badan kaad ku aammintid kuula xisaabtankiisa oo ku gaba, ku khiyaama amaba labadaba isku darsada.

Waa yaabe baarlammaanku Xukuumaddii ay rideen waxqabadkeeda ma waxaa la tusay markay rideen kaddib. 47 mudane baa markii hore ridday, markii danbane 61 baa gacan-taag dheer ku ansixisay golihii wasiirrada oo aan isbaddal ka muuqan. Dharaar cad bay rideen oo khaladaadkeeda arkeen bulshadana u sheegeene, ma habeen mugdi ah bay wanaaggeeda arkeen. Sidee loo tusay, afkee ama fartee lagu fahamsiiyay, sowtay ku sababeeyeen riditaankeeda xil gudasha la’aanta. Mise dhowr-ka qof oo la reebay bay xukuumadduba ahayd? Sow dhowrka qof oo la reebay haddii loo jeeday gaar looguma yeeri karin goluhuna xasaanaddana kalama noqon kirin haddii loo baahdo.

Dadku waxay iswaydiinayaan haddii heshiisyada xukuumaddu gashay ama xeerarka kale oo ansixinta loo rabay ay dhammays iyo xalaal wada yihiin maxaa keenay in xoolo lagu bixiyo si xildhibaannada looga fujiyo. Haddaan heshiisyada iyo xeerarka wax ka qaldanayn in laaluush lagu xiro waa xadgudub, haddii wax ka dhimanayeenna in laaluush lagu sii daayo waa xad gudub kale. Tan danbe baana dadku usii walwal badan yihiim. Calooshadaada ciirin looma qariyee, haddii waxaa xukuumaddu baarlamaanka ka fujisay aysan wada saxnayn sow wax shacabka ku maqan, ama wax ka maqan maaha?

Dhanka kale waxaa nasiib darro noqotay in waxyaalahaasi dhacayeen iyadoo Puntland looga diyaar garoobayo xuska sannad guuradii 19-aad ee aasaaskeedii. Waxaa dad badan niyad jab iyo saluug ku keeenay meesha la joogo iyo hab dhaqanka dowladnimo ee muuqdaa in uusan ahayn kii lagu taamayay in 19 sano kaddib loo dabbaal dago.

Waxaa xusid mudan in Puntland oo leh xukuumad ka kooban 9 wasaaradood oo kaliya ay dadku sidan ka qaneeca roonaayeen kana tabasho yaraayeen, degaamada Puntland maamushana inta ka badnaayeen, haddoo xubnaha golaha xukuumaddu tiro beel ku dhow yahayna qanicii dadku hoos u sii socdo.  Waxaa meesha ka maqan waa kalsoonidii dadku ku qabi lahaa dowladda iyo hoggaamiyaasha oo sii yaraanaysa, meeshii la baxnaani lahaana tallaabooyinkii ugu danbeeyeey ee labada gole qaadeen waxay daqarro waaweyn kusii dhufteen kalsoonidii shacabka oo in la kobciyo loo baahnaa si dowladnimo taam ah loo gaaro.

Golaha wakiilada Puntland waxaa dastuurku huwiyay karaamayn iyo xasaanad dheeri ah waana astaan muhiim ah oo laga dheehan karo maqaamka dowladnimo hadba heerka uu joogo. Haddana xasaanada iyo karaamadu ma aha xuquuq joogto ah oo loo dhasho ee waa xurmo u baahan in markasta la ilaaliyo oo aan la wiiqin. Waxaa nasiib darro ahayd sida la sheegay in maalmihii dhawayd ee wax la is dhaaf-dhaafsanayay ay dadka dhulka iibsadaa qaarkood shaki ka muujiyeen inay dhul ka iibayaan xildhibaanno danaynayay dhul, iyadoo shakigaas sabab looga dhigay siyaabaha aad malaynaysaan.

Soo Jeedin:

Puntland in loo Gu tiriyo uun oo cimrigeeda kaliya loogu dabaal dago macno samayn maysee waa in waynaanta lagu daraa korriimo dowli ah, qaan gaarnimo, kasbasho shacab iyo kalsooni ilaalin.
In wax ka baddal lagu sameeyo mustaqbalka dhaarinta masuuliyiinta dowladda oo aad mooddid inay fududeystaan nuxurka dhaar xileedka. Tusaale ahaan waxaa si gaara loogu siyaadin karaa inaysan xoolo xaaraan ah ku qaadanayn kuna bixinayn xilka ay qabanayaan.
Culimada iyo waayeelka oo siyaadiya ka nahyidda shacabka iyo masuuliyiinta mustaqbalka ku tagri falidda xoolaha umadda iyo cawaaqib xumada laga dhaxli karaba.
In haddii ay jiraan cid xildhibaanada hadda xilka haya ka mid asii aan xukuumadda rideedda xoolo doon ku ahayn, soo celinteeda iyo ansixina heshiisyo/xeerar kalena aan xoolo ku qaadan ay is caddeeyaan iskana beri yeelaan wadar u wada eedaysnaanta muuqata.
In xafiiska maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuq-maasuqa Puntland la howl galiyo shaqadiisana uu qabsado ee uusan magac u yaal noqon, ficil iyo qowl ahaanna u muuqdo, meel kasta iyo cid kastana gaaro, si meesha looga saaro fikirka sii baahaya oo ah wax laga ganacsado siyaasad baa ugu fiican, loona soo celiyo kalsoonida sii lumaysa ee shacabku ku qabo hay’adaha dowliga ah.
Shacabka Puntland waxaa u eg mar haddii wakiiladoodii gabeen kuna gabood faleen inaysan ku tashan ee ka tashadaan muddada yar ee harsanna si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqa dowladda iyo sida dalkooda loo maamulayo, mar haddii kuway wakiisheen danahooda khaaska ah wakiil u noqdeen.
Dadka Soomaliyeed waxay caan ku yihiin soo celin la’aanta ciddii mar hoggaanka u qabatay waana sababta masuuliyiinta qaar ku-darsiga u baadi goobaan marka xilkoodu dhammaadka yahay. Laakiin cidda ka hoos shaqaysa ama la shaqaysata in badani waa ka dhuumataa indhaha shacabka oo ku callaqan kolba cidda hoggaanka sare ah. Haddaba waxaa habboon in xubnaha golaha wakiilada ee soo socda ka mid noqoshadooda laga dhawro cid kasta oo lagu ogyahay ka qayb qaadashada xil-xoolo ku beddelesho.

Ugu danbayntii, waxaa xaqiiqo ah in dad badan oo reer Puntland , Soomaali iyo shisheeyaba leh oo indhaha ku hayay wixii socday ay ka niyad jabeen dhacdooyinkii siyaasadeed iyo maamul oo maalmihii ugu danbeeyay Puntland hareeyay iyo sidii wax loo maareeyay. Haddaan laga xumaan, laga hadlin, la diidin hab-dhaqankaas-na ay taasi aqbal beddelkeeda noqonayso. Puntland iyo dowladnimadeeda sinnaba aammusku hiil uguma ahan.

Inta sidaas wax yihiin, sida loo dhaqmayana aan wax laga beddelayn, way adkaan doontaa in shacabku kalsooni u dhahaan ama kor ugu dheeraystaan hal ku dheggii ahaa 

“Ku-dayo-Puntland” sidoo kalena waxaan shaki ku jirin in dad badan oo Puntland la dhacsanaa diyaarna u ahaa “Ku-dayo-Puntland”ay dib u guran doonaan markay maqlaan baaqaas.

Qore:- Abdirizak Abdulle Farah
Puntand, Somalia
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner